Sucuudiga: Wershado saliidda sifeeya oo la weeraray

0
Saturday September 14, 2019 - 11:17:00 in News by
  • Visits: 2025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga: Wershado saliidda sifeeya oo la weeraray

    Sucuudiga: Wershado saliidda sifeeya oo la weeraray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sucuudiga: Wershado saliidda sifeeya oo la weeraray



Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku warantay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka la yidhaa ay weerareen oo dab qabad siiyey laba wershadood oo kuwa shidaalka ah oo ay leedahay shirkadda dawladda ee Aramco.





Muuqaallo goobahaa laga soo duubay ayaa muujinaya olol iyo qiiq ka kacaya Abqiiq oo ah wershadda ugu weyn dunida ee saliidda sifaysa.


Weerar labaad oo ay qaaday diyaarad aan duuliye lahayn ayaa isna lagu ekeeyey wershadda shidaalka ee Khurays ee dhanka galbeed ee Sucuudiga. Dabkii ka kacay labada wershadood ba haatan waa xakameeyey ayey ku waramaysaa warbaahinta dawladdu.


Degaalyahanada Xuutiyiinta Yemen ee Iran ayaa weerarro kuwan oo kale ah hore loogu eedeeyey.


Hase yeeshee warbaahinta Sucuudigu ilaa haatan may sheegin cidda weeraradan haatan dhacay ka dambaysa.


"Abaaro 7 subaxnimo ayaa waaxdada badbaadada ee Aramco bilowday in ay dab ka kacay laba wershadood oo ku kala yaal Abqiiq iyo Khurays bakhtiiso, waxaana dabkaasi huriyey weerarro diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen goobahaas" ayey tidhi wakaaladda wararka ee Sucuudigu.


"Dabkii labada goobood ka kacayna haatan waa la xakameeyey" ayey intaa ku dartay wakaaladdu.


Abqiiq waxay 60 km dhanka koonfur galbeed ka xigtaa magaalada Dahraan ee xarunta u ah gobolka bari ee Sucuudiga, Khurays na waxay ka sii shishaysaa 200 km, waxaana ku taal warshadda saliidda ee labaad ee dalka ugu weyn.


Weerarkan yaa qaaday?

Dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa hore loogu eedeeyey weerarro ay bishii hore diyaarado aan duuliye lahayni ku qaadeen warshadda gaaska dabiiciga ah soo saarta ee Shaybah iyo goobo kale oo shidaalka laga qodo oo bishii May iyagana weerarro lagu qaaday.


Dhaqdhaqaaqaa fallaagada ah ee Iran gacan saarka la leh ayaa dagaal kula jira xukuumadda Yemen iyo isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo.


Tan iyo markii 2015-kii Madaxweyne Cabdrabbuh Mansuur Haadi uga qaxay magaalo madaxda Sanca Xuutiyiinta, dagaal baa Yemen ka socday.


Sucuudigu wuxu taageerayaa Madaxweyne Haadi waxaana xulufo uu hormuud u yahay oo ka kooban dalalka gobolku dagaal kula jirtaa fallaagada.


Xulufadu ku dhawaad maalin kasta weerarro cirka ah ayey ku qaaddaa, Xuutiyiin-tuna had iyo goor waxay gantaalo ku ridaan gudaha Sucuudiga.


Sidoo kale waxa gobolka ka taagan xiisad ka dhalatay loolanka dhex yaal Sucuudiga iyo Iran.


Sucuudiga iyo Maraykanka labaduba waxay ku eedeeyeen Iran weerarro lagu qaaday laba markab oo kuwa saliidda qaada ah bililii Juun iyo Juulaay, hase yeeshee eedahaas Tehran way beenisay.


Bishii May ayaa afar markab oo kuwa saliida qaada ah oo laba ka mid ku maaxayeen calanka Sucuudiga waxa khasaare ka soo gaadhay miino badeed kaga qaraxday badda Imaraadka ee dhinaca Gacanka Cumaan.


Sucuudiga iyo la taliyihii waagaa ee arimaha nabadgelyada qaranka ee Madaxweyne Trump, John Bolton, ayaa labaduba ku eedeeyeen Tehran weeraradaas, hase ahaatee Iran ayaa ku tilmaantay eedahaaa "wax lagu qoslo."


Xigasho BBC Somali


Loading...
Loading...