COL HORTII JABAY, WADAADA QAAR. Q/3aad

0
Saturday September 14, 2019 - 04:06:02 in Articles by
  • Visits: 1302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    COL HORTII JABAY, WADAADA QAAR. Q/3aad

    Maalin baa Laba ciyaali oo tarbiyadi guriga, iyo tii masaajidka waayay, isku dhex caayeen Masaajidka dhexdiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin baa Laba ciyaali oo tarbiyadi guriga, iyo tii masaajidka waayay, isku dhex caayeen Masaajidka dhexdiisa.
Maalin baa Laba ciyaali oo tarbiyadi guriga, iyo tii masaajidka waayay, isku dhex caayeen Masaajidka dhexdiisa. nin odaya oo meel ka fogayn quraan ku akhrisanayaa yaabay, imaankuu u tagay adeer ciyaalkan si dhe, way isku dhex caayayaane. Wuxuu ugu jawaabay fiidyawyadaan kaga haynaa.

Odaygii baa ugu jawaabay oo markaa Masaajid kaad fiidyaw ka dhigaysaa? Maalin taasaa odaygaa ugu dambaysay masaajidkii mawlacyaduu iska aaday, isagaana iiga sheekeeyay. Allaah ha u naxariistee


Barigii masaajid la is ka qufusho ceebay ahayd, masaajidkana cidi cunaha kaga may duubnay oo dadka dhex buu u ahaa. hadda xataa kuwii dar ilaahay u dhisay faraha kala bixi maayaan. Barigaa dad koo dhan baa kharashka wadaagi jiray cidina ma sheegan karayn ileen waa khayr shuraako ah. Halka dad qaar dhisay oo gob ahi qaar wali si xushkmad iyo sharafleh oo bilaa buuqa u waddaan balse hadda wax baa is badalay oo cusub.

Wuxuu ku odhanayaa waxaa la ururinayaa lacagtii masaajika sandka lagaga shayqan lahaa. haye oo adeer anagaa bilaash kaga shaqaynaynee adigu shaqada masaajidka maxaad uga dhigaysaa mashruuc, kaliya dadka bar khayr ka ku jira in masaajida laga shaqeeyo iyagaa ku kaltamiye, haddaad cid u samayso masuuliyadii bulshe ee qof kasta saarnayd saw digan ilawsiiyay. Ee sidii meherad cid lagu sidkay. Ileen camalkan wadda noolaanta lagu bartaaye iyo wax wada qabsigee.

Waxa uu ahaa mashruuc dadku dar ilaahay ugu adeegaan, ku naadifiyaan, ku ud’gooneeyaan. yaa ku yidhi adiga dad mushahar uga qor. Dad tujaaraa bilaash ku xaadhaya. oo xaramkaba waxa jira nin tujaara oo wakhtigiisa sanadkii Xaramka xaadha shqaalaha kamida oo eeshiya ka yimaada. Bilaa musharna ku adeega. adna kan jaarkaygaad jaanis usiin laadahay xataa dumarkii jaarka.

Nin aanu saaxiin nahay baa igu yidhi masaajidkaa waan ka helaa oo waa nadiif iyo udgoon, waxaan ugu jawaabay walaahi isagoo boodhku duulayo oo xalqaduhu buuxaan oo ay ciirciirayaan o cilmigu butaacayaan ka jeclaa nadiiftaa iyo udgoonkaa qufulku saran yahay saacada kasta salaadaha mooyaane. Waa in dhaqankaa la badalaa

Ta kasii daran Masaajid Masaajid uma talaabi karo oo teedad xoogan oo kooxeedaysan baa u dhexeeya, Masaajidkii in dadka ururiyo, laga quudiyo, loogu garqaado, lagu daweeyo. La iskugu xidho xaafad xaafad iyo qof qof ba, lagu walaaleeyo, kuwa baahan lagu kafaalo, qaado, agoonta, iyo dadka jilicda sani ku soo hirtaan soona hiigsadaan,

Dhamaan dhaawacyada bulshadoo dhan lagu dhayo, xataa dadka aan islaamka ahayn laga wacyigaliyo ileen diinta Suubanihii amaan xaga sare iyo naxariisi dushiisa ha ahaatee, waa in macaanka malabka diinta cid kasta gacanta loo daraa.

Haddii aynaan safkeena muslimiinta sixin waligeen guuli dheer inta la kala barakaysanayo ee nasteexadii laga dhigay dacar aan la maqli Karin. Halka Saxaabada Rasuulku amaan xaga sare iyo naxariisi dushiisa ha ahaatee, uu toosintu joogto ahayd taasi oo qofkasta xaqa si xikmadleh loogu gudbin jiray oon waxba la dhaafayn sida  dhacdadii gabadhii tuugada samaysay iyo ka ergayntii in la cafiyo waa mid caana.

MAXAA LAGA DHAXLAY ISBADALKAA

  • Barigaa hankaa ka sareeyay hunguriga.
  • Xambaarid hami umadeed, hadana hami qoys.
  • Hurid iyo hagrasho la’aan, hada is dhigasho iyo isku halayn hebelo
  • Baahidaa ah aabaha wax kasta ah, badhaaduhu waa kii la inooga digay
  • Xadiiskii uunbaa ina haysta markaad aduunyo raali ku noqotaa.
  • Isku duubni, isku quudhid, iyo walaaltinimada oo heer kaadhay, aduunyaa wixii ba gawracday iyo qabyaalad.
  • Isku tashi aan waxba lahayn, ganacsade haayad wax ka sugaaya ilaa reer miyigii la baray oo ay marayaan wax la yidhaa buul hunguri si bariis yar buul beena u dhisto, hankaa laga aasayaa beentana waa la barayaa.


Waxaan la yaaba waddaadka wiilasha iyo gabdhaha la yaaban, markuu qalooc ku arko. Maxad kula yaabi waxba maad gashane, dad kale ayaad u hibaysay in waxay doonaan  ku shubtaan.

Iyadoon gaalo iyo cid kale kusoo gaadhin baad dugsigii diiniga ahaa far gaalaad iyo af faranji, iyo far hunguri u badashay. Mee madarasadihii Tawxiidka iyo fiqiga Saynisku ku ladhnaa.

Markii masaajidadii iyo xalqadihii iyo dugsiyadii la dhalan rogay, wiilashii waxay dan moodeen kubad, heeso, filimo, ciyaaro games, qaab nololeedka duulkaasi dhar ama xiirasho, halka qaar balwado jaad iyo sigaar kala goosteen iyo kuwo intaaba dhaafay oo bahal xasiishad la yidhaa la inagu soo harqiyay walina aynu huursanayno. Hablihiina Musalsal, Style, heeso. Dhalin fiicani waa buux balse fooraha

U eeg  qaab mashruucaysan oo qaabaysan inoogu socoto. Dalka maleeshiya inyar oo xashiishada hadii lagaa helo waa dil waayo waa duulaanka ugu adage ee dal lagu qaado. In dhalinta la dhalan rogaa sidii shiinaha ku dhacday. Waxa xiga qaybta 3aad haddii Rabbi swt idmo.  Ha hilmaamun xuska Rabbi.  Qalinkii: Axmed Cali Kaahin           


HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...