Shirkadaha Isgaarsiinta Somaliland oo dunidu u aragtay in ay lidi ku yihiin Xoriyatul Qawlka

0
Friday September 13, 2019 - 19:11:35 in News by Abdikadir Guled
  • Visits: 2465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadaha Isgaarsiinta Somaliland oo dunidu u aragtay in ay lidi ku yihiin Xoriyatul Qawlka

    Maxaa la gudboon macaamiisha shirkada isgaarsiinta Somaliland ee fududeysay tacadiga saxaafaa lagula kaco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa la gudboon macaamiisha shirkada isgaarsiinta Somaliland ee fududeysay tacadiga saxaafaa lagula kaco.

 

 

Hargeysa(HWN)-Shirkadaha ka ganacsada Internetka ayaa maalmihii u danbeysay waxa cadaatay in ay qeyb weyn ka yihiin ladagaalanka saxaafada badax banana ee dalka.

Ka dib kolkii ay si fudud oo aad moodo in ay Xukuumada la qabaan ay u xanibeen booqashada Shabakedda Wararka ee Hadhwanaag News, oo lagu maagay in ay soo bandhigtay qoraal uu daabacay Abdi Shootali oo Guddoomiyaha Baanka Somaliland ku eedeeyay in lunsaday hanti dadweyne isla markaana uu Hotelo waaweyn uga dhisanayo Hargeysa.

Shirkada isgaarsiinta Somaliland ayaa hore u ahaa qaar metela horumarka dalku ka gaaray dhanka tecnologiyada, balse waxa haatan saxaafada caalamku soo bandhigtay in ay qeyb ka yihiin la dagaalanka Saxaafada madaxa banana.

Hadaba maxaa la gudboon shacabka iyo saxaafada Somaliland in ay ka yeelaan shirkadahan fududeynaya in xukuumadu siidii ay doonto oo sharciga baalmarsan ula macaamisho saxaafada.

Waxa wax lala yaabo ah in Shirkada isgaarsiintu ay si muuqata uga faaiideysteen xeysiiskooda yaala baraha saxaafada oo u soo jiida macaamiil faro badan in ay hadana taakuuleyaan xanibaadoda sharciga baalmarsan.

Waxa Iyana lala yaaban yahay sida fuleynimada leh ee ay uga aamuuseen xadgudubyada ay Xukuumada Somaliland kula keceyso Saxaafada badax banana, iyo dafiraadooda doorka bulshadu uga fadhido in ay wax ka yiraahdaan arinkan.

Waa in saxaaafadu gudo iyo dibedba ayaa soo bandhigtaa tacadiyada ay isgaarsiintu fududeyneyso, isla markaana ay ka qeybgeliyaa dacwadaha ay isaga difaacayaa xadgudubyada lagula kaco.

Waa in shacabkuna ay haatan culeys ku saaraan Shirkadaha sidii ay arinkaa uga noqon lahaayeen isla markaana u xusuusnaadaan sumcad xumadooda oo kolka la helo shirkado kale ay kuwaa ugu wareegaan, sidaanala lagu cunaqabateeyo.

Hadhwanaag News

Hargeysa

 


Loading...
Loading...