Ciyaar Aad Loo Sugayo Oo Maanta Dhex Mari Doonta Soomaaliya Iyo Zimbabwe

0
Tuesday September 10, 2019 - 13:19:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaar Aad Loo Sugayo Oo Maanta Dhex Mari Doonta Soomaaliya Iyo Zimbabwe

    Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta la leh ciyaar aad looga war dhawrayo xulka Zimbabwe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta la leh ciyaar aad looga war dhawrayo xulka Zimbabwe. Ciyaartan ayaa ah is aragga labaad, iyadoo midkii hore ay guushu ku raacday Soomaaliya 1-0 ka dib markii ay Jabuuti ku kulmeen.



Ciyaarahan ayaa qeyb ka ah heerka 1-aad ee isreebreebka ciyaaraha koobka adduunka.

Anwar Siid Cali ayaa xulka Soomaaliya kubad madaxa ugu dhaliyay daqiiqaddii 87-aad ee ciyaarta, goolkaas ayeyna ku dhammaatay.


Khamiistii ma aysan u ahayn habeen caadi ah xulka qaranka Soomaaliya, maadaama ay darajada kala horreynta liiska kubadda cagta adduunka ee Fifa ka galeen booska 202-aad, halkii ay markii hore ka ahaayeen booska 211-aad.


Taasi waxay timid markii ay taariikh baal dahab ah gashay ka sameeyeen isreebreebka koobka adduunka, heerkiisa koowaad.


Gool xamaasad weyn abuuray oo la dhaliyay daqiiqaddii 86-aad ayaa sababay in kooxda lagu naaneyso Xiddigaha badweynta(Ocean Stars) ay sameeyaan dabaaldag aysan noociisa waligood horay u sameynin.


Soomaaliya ayaan waligeed ka qeyb galin tartanka ugu weyn kubadda cagta caalamka ee loo yaqaanno World Cup-ka(Koobka Aduunka), tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1930-


Ciyaartoyda iyo qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa dabaaldag sameeyay ciyaarta ka dib.


Zimbabwe ayaa ka mid ah dalalka firfircoon ee Afrika, marka laga hadlayo kubada cagta, waxayna qiimeynta xulalka adduunka ee ay FIFA sameyso 90 darajo uga korreysaa Soomaaliya.

 

BBC

 

Loading...
Loading...