Waa Kuma Cali Baqdaadi Gudoomiyaha Banka Somaliland

0
Monday September 09, 2019 - 18:10:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 6681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Cali Baqdaadi Gudoomiyaha Banka Somaliland

    Cali Ibrahim Baqdaadi waxa uu ku dhashey deegaanka Oodweyne, xili lagu qiyaaso in ay aheyd 1944 kii qarnigii hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Ibrahim Baqdaadi waxa uu ku dhashey deegaanka Oodweyne, xili lagu qiyaaso in ay aheyd 1944 kii qarnigii hore.

ee Sida uu Muuse Biixi ka sheegey qalin jabintii Camuud University 2018 kii, uu yidhi laba sano ayuu iga weynaa isku fasalna waanu aheyn (classmate), Muuse na uu dhashey 1946 kii.




ee             Sida uu Muuse Biixi ka sheegey qalin jabintii Camuud University 2018 kii, uu yidhi laba sano ayuu iga weynaa isku fasalna waanu aheyn (classmate), Muuse na uu dhashey 1946 kii.

Baqdaadi waxa u tacliintiisa kusoo qaatey sare Camuud, ka dibna uu u safrey Mogadishu, halkaasoo maqaalo ku qori jirey Xidigtii October uuna ku guulwadayn jiray, oo isagu iskii isku diri jirey, aadna nidaamkii Askarta dhagahooda ugu raaxeyn jirey.

Dharaar aanu Baqdaadi ilaawi Karin, waxay aheyd, markii uu aad ugu riyaaqey Siyaad Barre, oo yidhi wiilkaa kacaanku biyo dhigey hala ii keeno, markii ay is arkeena Baqdaadi ka codsaday in uu jaamacad loo diro, Siyaad Barre-na codsigiisii wuu fuliyey, taas oo uu ku tagey Ciraaq oo jaamacad ka galay Baqdaad. Naaneystaasna uu halkaas ku sameystey.

Hortaantii sideetamaadka markii uu soo dhameystey jaamacada Ali waxa uu yimid Emirates halkaasoo shaqadiisii ugu horeeysey, ka bilaabey, bangiyadii halkaas ka jirey. Waxa uu kolba bangi shaqo ku meel-gaadha ka qabtaba, waxa aakhirkii ku dambeyey bangi yar oo gaar loo leeyey (private) lana yidhaa Arab-African Bank, kaas oo uu ku raagey ilaa uu ka noqdey Operation Manager.

Fursadii labaad ee Ali Ibrahim helay ayaa hortimid. Ka gadaal, markii qoyskii Xusni Mubarak ee Masar laga riday, askarigana ahaa, ay iibsadeen saamiyadii ugu badnaa ee Arab- African Bank.

Iyadoo looga goleeyey, sidii lacago badan loo marsan lahaa, Bangigaas yar, waxa loo yaqaan dhaqida lacagta ama (Money laundry) iyada oo Emirates ku ilaa hada yahay meelaha lacagaha laxado ama maandooriyayaasha laga soo jilaabto lagu qarsado.

Cali Ibrahim waxa uu kaga faaideystey in uu markii xogta shaqaalaha dhiibayey, iyo mushaharkooda iyo gunnadoodaba, uu isagu sadex jeer laba-laabey mushaharkiisii, halkaasoo uu hanti badan Cali Baqdaadi ka urursadey.

Intaas kadibna Cali Ibrahim uu reerkiisii u rarey Canada gurina uga gaddey, isna ka daba tagey.
Hadaba aynu isweydiino, (1) Baqdaadii waa sidee Shaqsiyadiisu? (2) Canada miyuu ka shaqeeyey? (3) Muxuu kaga duwanyey, gudoomiyayaashii ka horeeyey ee Bangiga soo gudoonshey? Iyo (4) waa maxay sababta uu isagooo xil haya uu dhismayaasha isdaba yaal ee waaweyn, sifo daahir yaa shamis ah u dhisanayaa? Iyadoo la ogyey sida uu ugu kakan yey Muuse Biixi masuuliyiinta hantida sameysta ee Xukuumadiis 

(1)Baqdaadii waa sidee shaqsiyadiisu?

Ali Ibrahim waa dadka aadka u fikirka dheer,sida joogtada ahna wax u qora, isagoo adeegsada nidaamka adoroska ama mala-awaalka cilmiga ku dhisan ee la yidhaa (Probability of statistics), waa qoraa aad u dhumuc weyn, ahna nin aad loo fahmin oo badheedhihiisa qarsada, inta badan-na gacan-adag, laakiin hadal macaan iyo suugaan ku weydaarta suaasha iyo culeyska qaadhaan ee golayaasha uu ka muuqdo kaga horyimaada.
 
Tusaale, waxa uu bogiisa Facebook ka sheegey in uu mulkiilaha Hadhwanaag news Abdinaasir uu weydiistey taageero dhaqaale, isagoo u cowdey in Mogadishu iyo Puntland labaduba website-yada taageera ay siiyaan muquuno lacageed isagoo mulkiilaha ka bensheegaya.

Halkaas oo Ali Baqdaadi kaga gows adeegey codsigii Hadhwanaagnews!! Yaab!! Waxa kasii yaab badan, ragu wax waa isweydiin jirtey- waa hedey jirteybee- laakiin xataa kii bixiyaa, milgihiisu masiin jirin in uu is sheego. Bal eega waxa uu ku faanayaa, in uu lacag uu ku bakheyley.

2018 kii xaflad ay Camuud University soo abaabushey dadkii hore ee ka aflaxey waxa loo yaqaan (Almuni), Baqdaadi waxa uu ka tiraabey, markii Jamacada la kicinayay xafladii Emirates ka lagu qabtey, in uu goob joog ka ahaa 1998 kii oo uu lacag cuddoon baxshey oo dhameyd $100 boqol doolar.

Yeelkeedee, Baqdaadii hadal macaanka iyo is daad-raacinta ka sokow, waxa uu ku sifoobey nin aan arxan iyo anshax toona laheyn oo kii shalay ama maanta, mididda uu ku tumaatiyayey uu saacada xigta, la olog yahey, waa hadii danno dhaqaale meeshaa uga muuqdaan. Tusaale ahaan xilkan hada uu hayo,
oo             rag isku heyb-yihiin oo hortii loo yeedhey diideen, isna uu ahaa kama-darihii wax la’aanta dhaaamey, Maafushka-ba keen, uu Muuse Biixi yidhi aakhirataankii, waayo? Waxaa jirtey Utun gaamurtey oo labada nin soo dhex martey Baqdaadi iyo Muuse, oo aheyd horaantii todobaatanaadkii, Camuud Boarding School, Halkaas oo Muuse Biixi oo ku cusbaa school-ka uu abaabuley in uu faragalin ku sameeyo, Baqdaadi oo aredeyda mawlaca salaada imaam ka ahaa.

Kadib, markii ardeydii in badani kasoo xaadiri weyday mawlicii salaada, ayaa Baqdaadi la war-gashey in wiil cusub oo yimid hawshaas ku kacay. Labadooduba waa Baqdaadi iyo Muuse ardeyda xiligaas joogtey ugu weynaayeen. Meeshaasna waxa ka dhacey dagaal hirdan iyo gacan kahadal, xasuusna ku reebtey ardeydii school kaas soo martey.

(2) Canada miyuu ka shaqeeyey?

Intuu joogey Canada waxa la tibaaxaa in mar kaliya mudo sanad ah uu Baqdaada Bangi degmo hoosaadkiisa uu deganyey, local Branch Bank uu consultant ka noqdey. Waayo aqoontii uu Ciraaq kusoo qaatey inta badan waxay aheyd mid kusaleysan nidaam gaboobey oo dhiidhaa, waraaqo teligaraam lagu diro oo qalin lagu buuxiyo, buugaagna lagu diiwaan galiyo, mana uu fursad u helin in uu Baqdaadi galo
updating short courses, sababo la xidhiidha hamuunta shaqo u qabey in uu Canada ka noqdo Bank Manager isagoo soo qadimey khibrad ku dhow sodon sano, taas oo lasiiyey one year contract, laakiin sanadkii ugu horeeyeyba odeygaas TB-carabiga ah ay xaadhatey.

(3) Muxuu kaga duwanyey, gudoomiyayaashii ka horeeyey ee Bangiga soo gudoonshey?

@              in Baqdaadi yahey kii ugu horeeyey ee ku milmey , siyaasada, dhaqanka oo noqdey mid ka dheereeyey wasiirkii warfaafinta, noqdeyna mid kala yooyootama social media dhalinyarta goobaha ay kukala warqaadato. Mararka qaarna waxa uu qeybiyaa waraaqaha shirirka iyo soo dhaweynta madaxweynaha marka gobolada u baxo ama dibadaba. Taasina waxey waji gabaxweyn ku tahay shaqada iyo milgaha shaqada qaranka u hayo oo ah in uu mihnada uu huwnyey dhawro Professionalism iyo shaqda oo ah farsamo technical job, kana fog dhaqan, siyaasad iyo fadhi ku dirir.

(b) Baqdaadi, si toos ah ayuu shaqsiyan udifaacaa Madaxweynaha, ilaa heer uu virus loo diro mareego ama accounts social media ah, isagoo shaqaaleystey dhalin aad u badan oo arbush ka sameeya social media ah. Qaar koodna la sheegey in ay sawiro iyo magacyo kale ay isticmaalaan, amaba qariyaan dhadib iyo labood ka ay yihiin.

(c)             waxa Baqdaadi yahay nin maskaxdiisa iyo maskab-kiisa ugu goodiyaa cid kasta oo ay isku qabtaan talo, ama ra’yi iyo utun hore kala jiiftey. Tusaale waxa kuugu cad habdhaqanka ay kula kacay mareegta hadhwanaagnews. Taas oo ku noqon karta mid soo dadajisa fashil ku yimaada, iskuna daba rogta mala-awaalkii uu sameyn jirey. Waayo? Hadhwanaagnews waa mareegta Somaliland ugu weyn uguna akhriska badan. Markaas wey adagtey in lagu aamusiiyo xoog ama laaluush.

(4) waa maxay sababta uu isagooo xil haya uu dhismayaasha isdaba yaal ee waaweyn, sifo daahir yaa shamis ah ugu dhisanayaa?

Sideynu kor ku xusney gacan-ka-hadalkii ka dhex dhacay Muuse Biixi iyo Cali Baqdaadi, xiligii Camuud ay dhigan jireen, waxay isku badashey is afgarad buuxa oo ixgalinteeda leh.

Baqdaadi waxa uu curiyey nidaam cusub oo sir ah dhex-marey Madax-weyne Muuse oo ah in Madaxweynaha uu Baqdaadii gacanta u galiyey mafaatiix koobi ah oo lagu soo galo xarunta bangiga dhexe iyo kuwa lagu furto khasnadaha lacagta adag, lagu keydiyo.

Tani, waxey keentey, in sadex-dii habeenba mar, in uu Madaxweynuhu saqda dhexe isagoo go’ shaal ah sita iyo laba qofna lasocdaan, uu saacadaha dambe, soo gala xarunta, bangiga dhexe ee Somalililand halkaas oo Kala baxo lacagta uu ugu baahdo oo malaayiin doolar ah.

Dhacdadan ugubka ku ah Somaliland, hadii ay noqoto is dhex-galka Muuse iyo Baqdaadi iyo hadey noqoto sababta uu Madaxweynuhu dharaartii lacagta uu u qaadan waayey, ee uu habeenkii u daldalanayo!!!!

Waxa xusid mudan in Baqdaadi halkaas uga soo baxdey in uu isna dhacdhac halkaas uga soo baxo, kaas oo             isha madaxweynuhu qaban doonin, ay sahashey in uu isna dhankiisa ka dhisto qusuurtan markey dhamaadaan laga daawan doono dayaxa, iyo xidigaha fogaadey ee laxaha(galaxy ama Thuraya), awrka cirka iyo halkii habaar-qabe hooyadii jiidey, oo aan ciyaayar lagu arki Karin. Isagoo Baqdaadi ka faaideystey dhaqankan cusub ee ah qaataye qaado!!.

Ugu dambeyntii intii reer Xusni Mubaarak lacagaha ku lunsan jireen bangigii Baqdaadi ka fara-qabsadey, waxa uu Baqdaadi ka bartey. Sida Askarta Masar lacagaha u lunsadaaan dibadana u dhigtaan, iyagoo magacooda isticmaalin.
 
Waxa ay sirdoonka Militariga masar sameeyaan in ay la wareegaan hanta uu leehey maal-gashadayaal masaari ah, iyagoo lagu eedeeyo in ay basaasiin u yihiin dawlado cadow ah. Tani waa dambi Masar qofkii lagu eedeeyo xoolihiisa lagula wareego, laguna xidho.

Halkaas oo uu ugu dambeyntii hantidaas la iibiyo lacagtiisana bangiyo dibada ah loo dhigo madaxda dalka ka talisa iyo hogaanka ciidanka. Waxaana ugu dambeeyey ganacsade Maxamed Cali layidhaa, oo Masri ah una baxsadey Spain, bishii hore kadib markii hantidiisii lagala wareegey.

Laakiin yaa bixinaya lacagta bangiyada laga amaahdo? Waxa Sabir Mash-huur sheegey oo ah khabiir saxafi Masri ahi: in Madaxweynuhu amar siiyo Bangiga dhexe in uu lacagta local ka ah daabaco oo Bangiyada la siiyo, taasoo sababta, sixir-barar nolosha, oo lacagta dadku biirsadaan ku qasaaraan.
Waana sababta Baqdaadi habeenimo lacagta adag ee horeba u yareyd saq-badhka loo tahriibiyo, oo hada kasocota Hargeysa. Iyadoo aan magacayo ay ku baxdo laheyn

Lasoco qaybta labaad
W/Q: Maxamuud Biixi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...