Faysal Cali waraabe, Siyaasi dabaylaha is raaciya ''....W/Q Axmed Nuur Guruje

0
Saturday September 07, 2019 - 19:16:18 in Articles by
  • Visits: 2017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali waraabe, Siyaasi dabaylaha is raaciya ''....W/Q Axmed Nuur Guruje

    Faysal Cali waraabe, Siyaasi dabaylaha is raaciya ''....W/Q Axmed Nuur Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali waraabe, Siyaasi dabaylaha is raaciya ''....W/Q Axmed Nuur Guruje


Dad badan oo u badan siyaasiyiinta kusoo biiray siyaasadda cahdiga facebook ma fahansana siyaaadda Odayga Faysal cali waraabe , maxaa yeelay waxba uma fiirfiirsadaan , xogo taariikheed iyo diiwaano ay dib ugu noqdaan ma hayaan .

Sirta ka dambaysa in Xisbigga Ucid ka mid noqdo sadexdii xisbi ee soo baxay 2002 iyo 2012 , ilaa waagaas uu jirayna waa falkinta siyaasigan .

waa kuma faysal ?

maalmihii loo dareerayay doorashadii deegaanka ee 2002 , Xisbiga Ucid waxaa ka baxay badiba siyaasiyiintii uu xisbigu ku taagnaa , waxaanay ku biireen Ururkii Hormood , xisbigina wuxuu isa soo taagay meel banaan .

Laba habeen gudahood ayuu faysal shookinta kala leexiyay , waxaanu qaatay siyaasad cusub oo sababtay in uu doorahadii kusoo baxo .

Mar kale , 2012 Ucid waxaa soo food saaray burbur , ka dibna si doorashadii waagaa uu xisbigu usoo baxo , Faisal wuxuu qaatay siyaasad cusub oo ay bud dhig u ahayd , heshiiskii Jamaal cali xuseen .

Hadaba iyadoo ay muuqato in khilaafkii asxaabta siyaasaddu soo dhamaaday , maalmaha soo socdaana is badalo siyaasadeed inagu soo wajahan yihiin , waxaa mar kale muuqata in Faisal u diyaar garoobay in uu waqtiga cusub la jaanqaado , sidaa darteed wuxuu sameeyey xil-ka qaadis uu ku sameeyey guud ahaan hawl-wadeenaddii xisbigiisa , si kastaba ha ahaatee , Faisal Cali waraabe , waa nin dabaylaha siyaasadeed is raacin yaqaana .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...