Macalimad 102 Sanno jir ah labada gellina shaqysa Cajiib!!!. Diyaarintii iyo Tujumidii Cabdi Caawiye

0
Thursday September 05, 2019 - 11:28:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalimad 102 Sanno jir ah labada gellina shaqysa Cajiib!!!. Diyaarintii iyo Tujumidii Cabdi Caawiye

    Agnes Zhelesnik waxa ay macalimad ka tahay dugsi ku yaala Maraykanka oo la yidhaahdo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agnes Zhelesnik waxa ay macalimad ka tahay dugsi ku yaala Maraykanka oo la yidhaahdo  

 The Sundance School in North Plainfield, N.J., waxa lagu tilmaamaa macalimada ugu da'da weyn dunnida.


 Waxa aad la yaab iila noqotay anigoo ah qoraaga ahna macalim ka hawlgala ah in macalimadani ay shaqayso labada gellin iyada oo ay da'deedu tahay 102 sanno.


 Waxa ay wax bartaa ardeyda dugsiyada hoose (primary) iyo kuwa barbaarinta ( preschool).


 Waxa aan aad ula dhacay waxa ay shaqaysaa labada galinba iyada oo 102 Sano jirta, waliba maadooyinka ay ardeyda bartaa maaha maadooyin sahlan,  waxa ay ardeyda bartaa maadada toliinka ( sewing) iyo cunto karinta (cooking).


 Macalin Agnes Zhelesnik  oo u waramaysay warbaahiyaha la yidhaahdo  Courier News of Bridgewater waxay tidhi " aad baan ugu faraxasanahay in aan carruurta wax baro inta uu waqtigu ii saamaxaayo in kasta oo aanu gabowgu kuu ogolaanayn inaad noloshaada oo dhan aad shaqayso oo ay da' kaa daba imanayso haddii aanad dhimanin.


 Aad ayaan u jecelahay shaqadayda waanan ku faraxsanahay inaan macalimad ahay".


Maamule Benjamin Fox oo ah hor joogaha ama maamula dugsiga The Sundance school waxa uu yidhi " Agnes Zhelesnik waa macalimada noogu firfircoon xaqiiqdii dhamaan dugsiga oo dhammi waa ay jecelyihiin waxa aanu ugu yeedhnaa (granny) oo macnaheedu tahay ayeeyo ama duqda iskuulka qiimayn iyo ixtiraam aanu u hayno.


 Waxa ay shaqaysaa labada gellinba. Ma yeesho haddii aanu ku nidhaahno iska naso waayo iyada ayaaba naga shaqo badan".
 Waxyaabaha layaabka leh waxaa ka mida ah iyada oo xiisadeeda cunto karinta ay ardeyda iyo shaqaalaha dugsiguba isoo kala dheereeyaan dhadhamada cuntada ay samaysay.


Wuxuu yidhi maamule Benjamin Fox "waa macalinka loogu jecelyahay dugsiga, waa ay u sheekaysaa carruurta, waa ay ka qoslisaa, xaqiiqdii aad ayaanu u jecenahay.


Agnes Zhelesnik oo mar kale waramaysaa waxa ay tidhi " waxa aan ku raaxaystaa marka aan xiisada ku jiro waxa aanan iska soo qaadaa ama ismoodsiiyaa inaan madaxwehne ama boqor ahay waayo waxaan hor joogaa dad ii haysta madaxweynaha ugu sareeya dunnida.

 Taasaa ah sababta aanan u door bidin inaan gurigayga iska fadhiyo oo aan lacag bilaasha dawlada ka qaato sida qayrkay iyo dadka gaboobay ku dhacda.

 "Anigoo ah boqorad dadka wax baraysa maxaa iga dhigaya duq malqaacad wax lagu siiyo”.
 Macalinmadu waa sharaf aan cid goyn kartaa karin.  Agnes Zhelesnik waxa aynu ka baranaynaa in ayna shaqadu da' iyo awood ku xidhnayan laakiin ay ku xidhan tahay aaminaada aad shaqada aad aaminsantahay ama jacaylka aad u hayso shaqadayda.
 Lasoco qaybo kale ...

 Turjumidii iyo diyaatintii
 Cabdi Caawiye

 [email protected]
 +252634115877





AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...