Hambalyada Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ee Ciidal Adxa

0
Saturday August 10, 2019 - 20:14:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyada Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ee Ciidal Adxa

    Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu ciidal adxa awgeed Hambalyo u dirayaa golayaasha qaranka, madax-dhaqameedka, culima aw-diinka, xisbiyada qaranka, dhammaan bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida dalacadeeda ku kala nool, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed Madaxweyne ku xigeenku uu shacbiga Somaliland leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.



Waxaanu ku simaha madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban, bash-bash iyo barwaaqo, inta bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna waxa uu ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo, isaga oo xujayda sannadkan ku hawlan gudashada waajibaadka Xajkana u rajeeyey inuu Ilaahay ka aqbalo cibaadada iyo camalka Suubban.


ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

Loading...
Loading...