Cabdi Iley Oo Sheegay Inuu Ka Aamin Baxay Maxkamadaha Dalka Itoobiya

0
Saturday August 10, 2019 - 12:29:45 in News by
  • Visits: 4255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Iley Oo Sheegay Inuu Ka Aamin Baxay Maxkamadaha Dalka Itoobiya

    Cabdi Iley Oo Sheegay Inuu Ka Aamin Baxay Maxkamadaha Dalka Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Iley Oo Sheegay Inuu Ka Aamin Baxay Maxkamadaha Dalka Itoobiya


Addis Ababa(HWN):-Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida ayaa maxkamadda sare ee Federaalka Itoobiya ka sheegay in uu joojiyay in qareenno u sii doodaan intaas in ka badan, islamarkaana uu ka aammin baxay maxkamadda oo uu ku eedeeyay mid dhinac ah oo aan kooxda isaga difaacaysa waxba laga dhegaysanayn.

“Waan ka aammin baxay Maxkamaddan,


"Waan ka aammin baxay Maxkamaddan, ma doonayo in kooxdaydu sii waddo difaaca maxaa yeelay wax farqi ah uma dhexeeyo in ay I difaacan iyo in ay iska daayaan,” Cabdi Iley ayaa sidaas u sheegay xaakimada.


Waxa kale oo uu sheegay in dhawaan la sameeyay war been ah oo ku saabsan in ay jiraan dad doonayay in ay xabsiga kala baxsadaan taasna ay sababtay in shalay maxkamadda la keeno isaga oo ciidamo xoog leh ilaalinayaan. Wuxuu sheegay in culays xorriyadeed lagu saaray war been abuur ah sidoo kalena ay qareennadiisa saamayn ku yeelatay cabsi ah in loo arko in ay qayb ka yihiin dadka la sheegay in ay qorshaynayeen in Cabdi Ilay baxsado.




Loading...
Loading...