Arsenal oo u baqeysa amniga qaar ka mid ah ciyaartoydeeda

0
Saturday August 10, 2019 - 12:23:18 in News by
  • Visits: 1709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal oo u baqeysa amniga qaar ka mid ah ciyaartoydeeda

    Arsenal oo u baqeysa amniga qaar ka mid ah ciyaartoydeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal oo u baqeysa amniga qaar ka mid ah ciyaartoydeeda



Mesut Ozil iyo Sead Kolasinac ayaa laga reebay ciyaartoyda kooxda Arsenal uga qeyb gali doona kulankooda ugu horreeya tartanka horyaalka Premier League-ga, kaasoo ay la yeelan doonaan kooxda Newcastle United.



Mas'uuliyiinta Arsenal ayaa sheegay in sababta laacibiintan looga tagay ay tahay cabsi laga qabo "in khatar kale la galiyo amnigooda".




Labada ciyaartoy ayaa dhawaan ka badbaaday isku day ay koox hubeysan ku damacsanaayeen inay gaari uga dhacaan, xilli ay ku sugnaayeen waqooyiga-galbeed ee magaalada London.


Falkaas oo dhacay labo isbuuc ayaa abuuray walwal xoog leh oo laga qabo in la bartilmaameedsado laacibiintan.


Maamulka Arsenal ayaa sheegay inay wadashaqeyn la sameynayaan booliska isla markaana "ay ilaalinayaan amaanka ciyaartoydan iyo qoysaskoodaba".


"Amniga ciyaartoydeenna iyo qoysaskooda mar malba waxaan siineynaa mudnaanta koowaad", ayey tiri kooxda.


"Waxaan go'aankan qaadannay ka dib markii aan la tashannay labada ciyaartooy iyo wakiilladooda".


"Waxaan rajeyneynaa inaan Ozil iyo Kolasinac mar kale dib ugu soo dhaweyno kooxda".


Ozil iyo Kolasinac ayaa horay looga tagay markii ay Arsenal kulan saaxiibtinnimo ah la yeelaneysay kooxda Lyon, sababo la xiriira weerarka lala beegsaday, hase yeeshee labadooduba waxay kasoo muuqdeen ciyaartii ugu dambeysay ee xilliga fasaxa, taasoo ay Axaddii la yeesheen kooxda Barcelona.


Booliska ayaa hadda baaraya dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday ciyaartoydan.


Kadib markii lagu guul darreystay in gaariga laga dhaco, Kolasinac wuxuu baraha bulshada soo galiyay sawir muujinaya isaga iyo Ozil, wuxuuna kusoo qoray: "axay ila tahay inaan fiican nahay".


Warbaahinta Al Jazeera ayaa tabisay in Kolasinac uu la dagaallamay burcaddii damacsaneyd inay dhacaan gaariga Ozil.


Taliska booliska ayaa sheegay inay xiriir la sameeyeen Arsenal ayna baari doonaan falalka lasoo tabiyay.


Loading...
Loading...