Ma aragti ayaynu isku haynaa mise ardaayo '' ...W/Q Axmed Nuur Guruje

0
Monday July 15, 2019 - 15:33:21 in Articles by
  • Visits: 1365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma aragti ayaynu isku haynaa mise ardaayo '' ...W/Q Axmed Nuur Guruje

    Ma aragti ayaynu isku haynaa mise ardaayo '' ...W/Q Axmed Nuur Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma aragti ayaynu isku haynaa mise ardaayo '' ...W/Q Axmed Nuur Guruje

Ma aragti ayaynu isku haynaa mise ardaayo '' .

Adigu shuuci ma tihid , ana Dimuqraadi ma jecli .

Adigu dhaqaale baahsan ma necbid , ana dhaqaale uruursan ma jecli .

Adigu dabaqad sarre ma aaminsanid , ana dabaqad hoose ma wato .

Adigu Qadiimi ma tihid , ana casriyeyn ma wato .

Adigu hanti goosi ma tihid , ana Ishtaraaki ma ihi .

Adigu Madaxtooyo xoogle ma jeclid , ana Xoog meel ku
uruursan ma jecli .

Adigu awood qaybsi ma nebcid , ana awood meel ku uruursan ma necbi .

Adigu Galbeed uma janjeedhid , ana Bariga kama boodsani .

Adigu Dib u habayn ma diidanid , ana dib u cusboonaysiin ma necbi .

Adigu furfuraan ma diidanid , ana xidh-xidhnaan ma jecli .

Adigu Garsoor ma necbid , ana Cadaalad ma diidani .

Adigu midigta fog ma tihid , ana bidixda fog ma ihi .

Sidaa markay tahay , horta markeedda horebe ma aragti ayaynu isku haynaa mise ardaayo ?

Aragti iskuma hayno , waayo Aduunyadda aragtiyaha siyaasadeed ee la isku hayaa waa inahan , intana iskuma diidanin iskumana raacsanin waayo islamabaynaan soo hadal qaadin , markaa waxaynu isku haynaa ardaayo saw maaha , haa dheh dee , Ardaayo siyaasad maaha ayaa lagga yidhi .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...