Berbera: Qaar Kamid Ah Shirkadaha Yar Yar Ee Qaata Qandaraasyada Oo Cabasho Ka Muujiyay Shirkada NAEL & BIN HARMAL .

0
Tuesday July 09, 2019 - 21:16:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera: Qaar Kamid Ah Shirkadaha Yar Yar Ee Qaata Qandaraasyada Oo Cabasho Ka Muujiyay Shirkada NAEL & BIN HARMAL .

    Berbera (HWN) Shirkada Wayn ee NAEL & BIN HARMAL oo Qanadaars ku qaadatay Dib udhiskii Garoonka Diyaaradaha Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera (HWN) Shirkada Wayn ee NAEL & BIN HARMAL oo Qanadaars ku qaadatay Dib udhiskii Garoonka Diyaaradaha Berbera
ee Imaraadku ka Dhigtay Saldhiga Milatari Iminkana  Qaadatay Qandaraskii labaad ee dhisida wadada Berbera Coorindoor ayaa  shaqo ka bilawday gudaha magaalada Berbera, oo ay ka shaqayn jireen markii hore shirkadaha yar yar ee reer Somaliland.


 Qaar kamid ah shirkadaha yar yar ee dalka ka shaqeeya ayaa sheegay inay shirkadani cidhiidhi gelisay shaqooyinkii yar yaraa ee ay ka shaqayn jireen.


" Shirkadani Waxay dhawaan biloowday in ay dibada usoo saarto qalabkeedii dhisida wadooyinka waxaanay  xiligan ka shaqaynayaan wadooyin laga dhex dhisayo meelo kamid ah gudaha Berbera, waana nasiib daro wayn  in shirkad qaadatay qandaras malaayiin doolar ah  ay culays ku abuurto  shirkadihii dalka ee danaynayay inay  shaqooyinkaa yar yar tar tan u galaan oo ay ka shqeeyaan” ayuu yidhi mid kamid ah masuuliyiinta shirkadaha yar yar ee ka shaqayn jiray gudaha Berbera.


Shirkadan Nael & Bin Harbal oo Shaqdeedu ahayd Gudaha garoonka Diyaaradaha oo kaliya ayaan la garanayn in la siiyay liisan ay kaga shaqayn karto shaqooyinka yar yar ee ay ka shaqeeyaan shirkadaha laga leeyahay dalka.


Ilaa imika kamay hadal maamulka gobolka Saaxil in shirkadan lasiiyay liisan ay ku qaban karto shaqooyinka yar yar.

 

Hadhwanaagnews

Berbera/Office.

 

Loading...
Loading...