Xasan Ciise Jaamac oo boggaadiyay Safarka Madaxweynaha Somaliland ee guinea Conakry

0
Sunday July 07, 2019 - 11:23:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Ciise Jaamac oo boggaadiyay Safarka Madaxweynaha Somaliland ee guinea Conakry

    Hargaysa(HWN):-Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee Somaliland Mudane,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN):-Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee Somaliland Mudane,
Xasan Ciise Jaamac waxa uu dhmbaal Hambalyo iyo Bogaadin ah u diray Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga balaadhan ee uu hoggaaminnaayo ku taageeray Safarka guusha badan dheliyay ee dalka guinea Conakry.


Xasan Ciise Jaamac waxaa uu sheegay in Safarka guinea Conakry ee lagu martiqaadday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Waftigii la socday uu saamayn wayn ku yeeshay guud ahaan Mandaqadda, gaar ahaanna geeska dalalka geeska Africa, waxaannu ku tilmaamay inuu ahaa Safar guul wayn u soo hooyay Shacabka reer Somaliland.


Sidoo kale, Xasan Ciise Jaamac waxa uu labadda Xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI uu ku bogaadiyay sida ay u garab istaageen Safarkii Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay dalka guinea Conakry ee galbeedka Africa, waxaannu ku guubaabiyay inay markasta u middoobaan qaddiyadda iyo difaaca Madax-bannaanida Somaliland, isla markaanna ay isku duubnidaa kolkasta muujiyaan.


Hadhwanaagnews,Office

Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...