Waa Maxay Sababta Madaxweynayaasha Afrika U Jeclaystaan Xukunka ? W/Q: Saleban Mohamed Ismail ( Baxraawi)

0
Saturday March 09, 2019 - 19:16:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Sababta Madaxweynayaasha Afrika U Jeclaystaan Xukunka ? W/Q: Saleban Mohamed Ismail ( Baxraawi)

    Qaaradda afrika waa mid aad u dambeysa marka laga hadlaayo dowlad wanaagga iyo dimuqraadiyada. Inta badan ma laha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaaradda afrika waa mid aad u dambeysa marka laga hadlaayo dowlad wanaagga iyo dimuqraadiyada. Inta badan ma laha


 dowladdo boqortooyooyin ah oo xukunka haysa laakiin waa qaarad lagu mashaqeeyey kalitaliyaayaal xukunka jaceyl awgii wixii doona sameeya. Wakhtigii hore ee aan gumeysigu soo gelin qaaradda afrika waxa ka jiray hab-maamulo deegaan qabiil iyo bulsho oo siddii ay dadku iskugu dhaw yihiin ayay isku maamuli jireen waxa kale oo jiray in meelaha qaarkood ay maamuli jireen boqortooyooyin iyaga laftooda dhulbalaadhsi, awood korodhsi iyo dhaqaaleba. Haddaba ka dib markii gumeysigii waddamada kala duwan ee reer yurub ka baxeen Afrika waxa soo ifbaxay in ay xukunkii waddamaddooda qabtaan askartii la jirtay gumneysiga ma kuwii ka soo horjeedday lagga soo bilaabo 1960kii ilaa malinkan manta ah dariiqo kasta ha ku fuulaane waa kuwo si kala duwan u maamulaayey khayraadka iyo dhaqaalaha waddamadii gacanta u galay. Hadaba, waxan halkan ku soo qadan donna madaxweynayaashii, hogaamiyayashii , boqoraddii, wakhtiyaddii ka dambeeyey xilligii gumeysigga ee Afrika xilka qatay muddaddii ay hayeen iyo Madaxda Xillgan Afrika Ugu Muddada Dheer:

Teodoro Obiang Nguema Mbasogo:

Madaxweynaha Equatorial Guinea 1979Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, sheekadiisa waa mid xiiso badan, waxaa uu ka soo baxay Akaademiyad Militari oo ku taallo Spain, isaga oo madax ka noqay Jasiirad illaa adeerkiis Macías Nguema oo madaxweyne dalkaasi ka ahaa uu dilo aabihiisa iyo inta badan qaraabadooda, markaasi kadib Teodoro Obiang Nguema Mbasogo ayaa dagaal la lagay madaxweyne Macías Nguema, waana ka adkaay, ninka dambe caruurtiisa waxaa uu u diray Waqooyiga Kuuriya isagana waxaa lagu qabtay baadiyaha dalkaasi, ugu dambeyntiina waa la toogtay!Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, wixii xilligaasi ka dambeeyay, waxaa uu madax ka yahay dalka Equatorial Guinea, waa dalka ugu hodon-san qaaradda Afrika, wiilkiisa iyo dadka ku dhaw waxaa ganacsi ku leeyihiin qaaradda Yurub.

Al-Qadaafi

Hogaamiyihii Libya ugu muddada dheeraa mucamar Alqadafi 1969-2011 muddo 42 sano ah ayuu maamulayey dalka dhaca waqooyiga qaarada afrika oo u badan lama deegaan.Muddadii uu xukunka hayey waxyaabaha lagu xasuusto wax mid ah in uu wax ka qabtay dhinacyada dhaqaalaha, tacliinta,milatriga iyo nolosha dadkaba.

Paul Biya:

Madaxweynaha Cameroon 6 November 1982.Inta uusan madaxweyne ka noqon Cameroon 1982-dii, Biya waxaa uu ra’isul wasaare u ahaa madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Ahmadou Ahidjo,Paul Biya, waxa lagu xasuusta ka qayb qaadashada midayntii labaddii qaybood ee ay kala haysteen gumeystaytayaashii Ingriiska iyo Farasiiska Mr. Biya marar badan ayaa waxaa la soo gudboonaaday cadaadis badan balse waxaa uu uga badbaaday xiriirka uu la leeyahay dalka Faransiiska oo horay u soo gumeystay dalka Cameroon!

Yoweri Museveni

Madaxweynaha Uganada 29 January 1986Yoweri Museveni, waxaa uu dalkaasi madax ka yahay tan 1986-kii, waa madaxweynihii ugu muddada dheeraa dalkaasi, waxaa ku soo xigay Idi Amin oo ahaa maddexweyne awood badnaa maamulayeyna xilliyadii 25 January 1971– 11 April 1979 iyo Milton Obote.Dad badan oo reer Uganada ah ayaa kula taliyay in uu xukunka ka dago ama tartanka madaxtinnimada isaga haro, waxaa uu ku jawaabay "Haddii aan dhinto xitaa, qabriga ayaan ka soo tartamayaa”!!

Boqor Mswati III

Boqorkan Swaziland, waxaa uu dalka qabsaday April 1986, markaas uu gaaray 18 jir, 4 sano kadib marka uu aabihii geeriyooday!!Dalkaasi waxaa uu ku heystaa awood aan xad laheyn, in kasta oo dalku leeyahay baarlamaan, ra’isul wasaare iyo xukuumad, hadana isaga ayaa ka awood badan!!

Ragga qaaradda Afrika ku nool waxaa uu dheer yahay boqornimada marka laga soo tago, September sanadkan waxaa uu guursaday gabar 19 jir ah oo noqoneysa xaaskiisa 14-aad!!!

Cumar Xasan Al-Bashir

Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashir waxaa uu sanadkii 1989-kii afgambi aan dhiig ku-daadan xukunka uga tuuray ra’isul wasaare Saadiq Al-Mahdi.Intii uu talada hayey, waxaa dalkiisa waxaa ka go’ay Koonfurta Suudaan, waxaa looga yeeray maxkamadda ICC, dalkiisa waxaa uu ku jiraa 3 dal oo deyn ka qaadan Karin hey’adaha lacagta adduunka!

Idriss Déby

Madaxweyne Idriss Déby, waxaa uu dalka Chad qabsaday 1990-kii, Déby waxaa ay isku dhaceen isaga iyo madaxweynihii xilligaas Xissene Habré. Déby waxaa loo musaafuriyay dalka Libya, taageero uu ka helay dalalka Libya iyo Suudaan ayuu weerar ku soo qaaday Habré, sanad kadibna waxaa uu la wareegay caasimadda N’Djaména.

Isaias Afwerki

Dalka Eritrea tan iyo markii uu xuriyadda ka qaatay dalka Itoobiya, 1991kii ma arkin hoggaamiye aan Isaias Afwerki aheyn!!Afwerki, waa nin aan nixin, Xisbigiisa ma ahee cid kale siyaasad kama shaqeyn karto, arrimaha dimoqoraadiyadda iyo hanti-goosadka la xiriira maba qoro, eedeynta reer galbeedka iyo dariska, dheg-jalaq uma siiyo!!

Paul Kagame

Hoggaamiyaha Rwanda 1994, Paul Kagame iyo kooxdiisa RPF, waxaa ay ka adkaadeen ciidamada the Rwandan National Army kadib xasuuqii Rwanda ka dhacay.Xilligaasi wixii ka dambeeyay Paul Kagame isaga ayaa dalkaasi hoggaamiye ka ahaa, waxaa uu madaxweyne ka dhigay Pasteur Bizimungu illaa markii dambe uu iska tagay 2000.Paul Kagame ayaa la doortay 2000, waana madaxweynaha dalkaasi, doorasho kasta oo dhacda isaga ayaa hela 99%!!

Denis Sassou Nguesso

Madaxweynaha Republic of the Congo Madaxweyne Nguesso waa markii 2aad uu dalkaasi maamulo, horay waxaa uu madaxweyne u noqday 1979 -1992, isaga oo mar kale dib madaxweyne u noqday 1997.

Markan dambe, dalka Republic of the Congo waxaa uu ku jiray dagaal sokeeye, waxaa uu xilka ka xoogay madaxweyne Pascal Lissouba illaa iyo hadda isaga ayaa xukuma!!

Waxaa jira madax kale oo illaa iyo hadda la jibin la’ayahy Record-kooda xagga xukunka qaaradda Afrika, waxaa ka mid ah :Boqorkii Ethiopia Haile Selassie, kaas oo la tuuray 1974, waxaa uu boqor ahaa 44 sano!!Wakhtigii la baxay gu’gii carabtu madaxweynayashii uu galaaftay ee waqooyiga Afrika waxa aanu soo qaadan karaa Sayid Cabdadin Binu Cali oo Tunisiya ah wuxuu xukunka ka dhaxlay aabihii waxa kale oo ku jiray oo isna la xusi karaa MaxamedXusni Mubaarak oo ahaa madaxweynihii masar. Wuxuu xukunka hayay 14 Oktoobar 1981 ilaa 11 Febraayo 2011 waa muddo ku siman 30 sanno. Halka Mucamar Al-Qadaafi, Madaxweynihii Libyan, waxaa la dilay 2011-kii, waxaa uu dalkaasi maamulayey 42 sano!!

Robert Mugabe:

hoggaamiyihii Zimbabwe laga soo bilaabo xuriyaddii dalkaasi 1980-kii ayaa talaadadii is-casilay, Mugabe waxaa uu ka mid ahaa madaxda ugu waqtiga dheer adduunka iyo qaaraddan Afrika. Omar Bongo Ondimba, Waxaa uu ahaa madaxweynaha Gabon, 2 December 1967– 8 June 2009 waxaa uu dalkaasi xukumayey illaa uu ka dhintay. Somaaliya waxa taladdii la wareegay ciidamada 1969 October waxanna Madaxweyne noqday Maxamed Siyaad Bare oo xukunka laga tuurey 1991. Madaxweynayaasha Afrikada dhexe ugu muddada dheeraa waxa ka mid ah

Mobutu Sese Seko

Mobutu Sese Sekooomaamulayey Jamuuriyada dimuqraadiga ee Koongo muddadii u dhexaysay 24 November 1965– 16 May 1997. Waxaa madaxweyne noqday rag badan oo ay ku jiraan Cabdelaziz Boutefliqa,oo xukunka dalka Aljeeriya qabtay 27 April 1999 iyo Boqorka Moroco isaguna waxa uu xukunka qabatay 23 July 1999– illaa hadda. Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle1999 ayaa taladda kala wareegay Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon oo ahaa madaxeynihii kowaad ee ay jabuuti yeelato 1977kii markii xornimada ay qaadatay .

No.

Madaxweynayasha Afrika

Wadanka

Xukun sanadeedka

1.

Haile Selassie

Itoobiya (boqor)

44

2.

Muammar Gaddafi

Libya

42

3.

Omar Bango

Gabon

42

4.

Teodoro Obiang Nguema Mbasogo

Equatorial Guinea

39

5.

Jose Eduardo do Santos

Angola

38

6.

Gnassingbe Eyadema

Togo

37

7.

Robert Mugabe

Zimbabwe

37

8.

Denis Sassou Nguesso

Republic of Congo

34

9.

Felix Houphouet – Boigny

Ivory coast

34

10.

Yoweri Museveni

Uganda

33

11.

Mobutu Sese Seko

DR CONGO

31

12.

Maxamed Xusni Mubarak

Masar

30

10.

Hastings Kamuzu Banda

Malawi

30

11.

Cumar Xasan Albashir

sudan

30

12.

Idriss Deby

Chad

29

13.

Isaisi Afawerki

Eritariya

28

14.

Maxamed siyaad Bare

Somalia

22

15.

Ismail Cumar Geelle

Jabuuti

20

La soco qaybta 2aad……………………..

W/Q: Saleban Mohamed Ismail ( Baxraawi)

Telephone: 063-424-328-3

Email. [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...