Maxaa Keenay In Masuul Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Uu Dalka Ka Baxsado?

0
Wednesday June 12, 2019 - 16:04:49 in News by
  • Visits: 4686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Keenay In Masuul Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Uu Dalka Ka Baxsado?

    Maxaa Keenay In Masuul Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Uu Dalka Ka Baxsado?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Keenay In Masuul Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Uu Dalka Ka Baxsado?

 


Muqdisho(HWN):-Masuul ka tirsan dawlada federaalka ah ee soomaaliya isla markaana ka hawl galayey madaxtooyada ayaa ka baxsaday dalka.

Image may contain: 1 person


Sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya Villa Soomaaliya, Siciid Maxamed Warsame(Siciid Kampala) oo ahaa agaasimihii hab maamuuska madaxweyne Farmaajo ayaa u baxsaday dalka Turkiga ka dib markii looga yeedhay maxkamada ay dacwadi ka taalay.


Siciid Kampala ayey wararku sheegeen in baxsigiisu ka dambeeyey ka dib markii uu lug ku yeeshay dacwad guri oo dhawaan ka dhacday degmada Xamar Wayne ee magaalada Muqdisho, iyada oo maxkamadu ay xukuntay in gurigan loo celiyo dad shacab ah oo markii hore iska lahaa.


Agaasimihii hab maamuuska madaxtooyada soomaaliya ayaa dacwadan gurigan ku lug yeeshay ka dib markii uu soo taageeray dad ay ehel yihiin oo lagaga guulaystay dacwada kuwaas oo doonayey inay gurigan ka qaadaan dadka shacabka ah ee iska leh, iyada oo ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada oo amar ka helaya agaasime Siciid Kampala ay dhawr jeer weerar u gaysteen guriga ay maxkamadu u xukuntay dadka shacabka ah.


Weerarada ay gaysteen ciidamada ilaalada madaxtooyada soomaaliya ayaa keenay in taliska ciidamada booliska gobolka Banaadir ay dacwad ka gudbiyaan ciidanka madaxtooyada, dacwadaas oo ay gaadhsiiyeen ciidamada qalabka sida.


Xeer Ilaalinta Maxkamada ayaa dacwadaas ka dib qoraal gaadhsiisay Agaasimaha Madaxtooyada, kuna wargelisay iney dacwad ka taalo Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada, lana doonayo inuu Maxkamadda ku hor-yimaado 11-ka bishan oo maanta ku beegneyd hase ahaatee Saciid Kambala ayaa shalay ka dhoofay dalka isagoo u baxsaday dalka Turkiga ka dib markii uu ogaaday ciqaab adag iney ka dhalan karto falka uu ku kacay.


Gaadiidka uu isticmaalayey ayaa waxaa dib ula wareegtay Madaxtooyada, iyadoo la baabi’iyey aqoonsigiiisii shaqo sida ay sheegayaan wararka laga helayo Villa Somalia.

Loading...
Loading...