'' Alifka Kaa Xumaadaa , Al Buqruu Ku Qabtaa '' . Ahmed Nour Guruje

0
Wednesday June 12, 2019 - 14:11:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Alifka Kaa Xumaadaa , Al Buqruu Ku Qabtaa '' . Ahmed Nour Guruje

    Doorashadii dhacday 2017 waxay ku bilaabantay jawi qurux badan oo caafimaad qaba ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashadii dhacday 2017 waxay ku bilaabantay jawi qurux badan oo caafimaad qaba , taasoo si xiiso iyo xamaasadle u socotay ilaa heer danbe oo ay leexatay .

 

Hanaankii doorashadaasi u socotay hadii la barbar dhigo ciyaaraha ku bada cagtana waxaa la odhan karaa , ciyaartaasi waxay ahayd mid u socota habka loo xamaasadda badan ee loo yaqaano isu taabashadda ( one touch ) habkaas oo ah weerar iyo weerar celis aan nasasho lahayn .

 

Hadaba Xisbiga Kulmiye oo haystay fursado badan oo aanu haysanin Xisbigga Waddani oo mucaarid ahaa sidda taageeradda xukuumadda ayaa hadana ka shekiyey in uu ku guulaysan karo si xarago ah , waxaanu si kakan uga ololeeyay goboladda Bariga , halkaasoo la saaray sameecado aan heesaha ka baxayaa wanaagsanayn .

 

Ciyaar yahanadii ka faltamay Goboladda Barigana waxaa ka mid ahaa Boqor Buurmadow , kaasoo ereyadii afkiisa kasoo baxayay ee aan wanaagsanayn Xisbigga Kulmiye iyo taageerayaashiisu u buunbuuniyeen si wayn uguna beer raqeen .

 

Hadaba ninba geedka uu beertu ayuu midhihiisa goostaaye , kulmiye codkii uu ku heley habkaa kakan , waxaa uga danbeeyey midho kakan oo ka daba yimi , maxaa yeelay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa alifkii kaa xumadaa albaqra ayuu ku qabtaa .

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...