Wasiir Maxamed Kaahin Waa Shaqsi Aan Danaysan, Balse Somaliland u Daneeya

0
Friday March 08, 2019 - 17:43:58 in Articles by
  • Visits: 2296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Waa Shaqsi Aan Danaysan, Balse Somaliland u Daneeya

    Taariikhdu marnaba ma qarsoonto, qofkasta oo qaranka Somaliland siyaasadiisa ka soo mid noqdayna wax buu ku suntan yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhdu marnaba ma qarsoonto, qofkasta oo qaranka Somaliland siyaasadiisa ka soo mid noqdayna wax buu ku suntan yahay

Taariikhdu marnaba ma qarsoonto, qofkasta oo qaranka Somaliland siyaasadiisa ka soo mid noqdayna wax buu ku suntan yahay, qofkastaana ama siyaasi kastaaba taariikhda meel buu kaga jiraa, mid ku suntan taariikh madaw iyo mid ku suntan taariikh wanaagsan oo la mahadiyey.

Waxaan qormadan ku soo qaatay maanta Wasiirka Maxamed Kaahin Axmed, oo ka mid ah shaqsiyaad ugu magaca wayn taariikhda Somaliland iyo guud ahaanba ta soomalida, waana shaqsi intii Somaliland jirtey, intii halganka lagu jirey iyo ka horba aan lagu arag isaga oo ka danaysanaya qarankan, balse taariikhdiisu waxay ku suntantahay shaqsi Somaliland u daneeya, naftiisana u soo huray halgankii dib u horaynta dalka, welina ku hawlan sidii looga midho dhalin lahaa himilada Somaliland.

Maxamed Kaahin waa shaqsi ka nadiif ka ah musuq, eex iyo qabyaalad, waa shaqsi aan weli ka fekerin in uu hanti umadeed uruursato, balse tiisa ayaanuba meel dhigan, waa shaqsi gacan furan oo codkar ah, bulshadana deeqsiiya hadal wanaagsan, odaytinimo, aduun waxaa uu markaa hayaana aanay jeebkiisa u baaqan.

Hadaba marka laga hadlayo mustaqbalka xisbiga KULMIYE, ama hoggaaminta danbe ee dalka waxaa muuqata in aanay jirin cid kaga haboon Maxamed Kaahin Axmed, oo hada ah wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, ahna gudoomiye ku-xigeenka koobaad ee xisbiga, waana shaqsigii ugu mudnaa ee halgan ka u galay sidii uu madaxweyne u noqon lahaa madaxweynaha qaranka ee hada xilka haya Muuse Bixii Cabdi.

Somaliland uma baahna maanta qof ka fekeraya hanti urursi sida ragii hore loo soo tijaabiyey, balse markasta Somaliland waxay u baahan tahay rag sida wasiir Maxamed Kaahin oo kale ah, nadiifna ka ah wax ummadda ka dhexeeya {Public Property}, Somaliland waxay u baahan tahay shaqsi aan ka fekerayn in uu guri dhisto ama aduun kale meel dhigto, sida Maxamed Kaahin lagu yaqaanaana waa taa oo maanta la isku wada raacsan yahay in uu nadiif ka yahay musuq {clean Corruption} waana shaqsiga hogaamin kara Somaliland.

Haddii aan dib u eegno Wasiir Kaahin, mudadii uu ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland, waxaa u guulasystey in uu soo afjaro colaadihii mudadad dheer ka socdey degmada Ceel-afweyn iyo colaadii gobolka Sool, taasoo isagu uu lahaa soo afjarideeda ilaahayna ku asturay, waana shaqsi caan ku ah nabada, markastana ka shaqeeya nabad ku wada noolaashaha bulshada Somaliland meel ay joogaanba.

Gunnaanad

Wasiir Maxamed Kaahin, waa shaqsi aan weligii ka danaysan qaranka, balse waa u daneeyaha qaranka ayuu ku suntahay, taariikhdana waxaa uu kaga jiraa meel bulshadu wada ogtahay oo aad u saraysa, waa hogaamiye, waana siyaasi iyo oday dhaqameed ka shaqeeya isu soo dhowaynta bulshada somaliland.

Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...