Faah Faahin Ku Saabsan Dil Ka Dhacay Xerada Birmadka Ee Ciidamada Booliska Somaliland

0
Thursday June 06, 2019 - 18:59:51 in News by
  • Visits: 9707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin Ku Saabsan Dil Ka Dhacay Xerada Birmadka Ee Ciidamada Booliska Somaliland

    Faah Faahin Ku Saabsan Dil Ka Dhacay Xerada Birmadka Ee Ciidamada Booliska Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah Faahin Ku Saabsan Dil Ka Dhacay Xerada Birmadka Ee Ciidamada Booliska Somaliland


Hargeysa(HWN):-Askari ka tirsan ciidamada birmadka somaliland ayaa dil u gaystay askari dhigiisa ah oo ay ka wada hawl galayeen xeradaasi.


Warar soo gaadhay shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegay in askariga dilka gaystay oo magaciisa lagu soo koobay Caateeye isla markaana darajadiisu ahayd Dable uu falkan ku kacay ka dib markii ay wakhti xili qado ah ay is afdhaafeen askariga uu dilay oo alle haw naxariistee lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Axmed Aadan oo darajadiisu ahayd Dable.




Sidoo kale wararka ay shabakada Hadhwanaagnews heshay ayaa xaqiijiyey in ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen askariga dilka gaystay isaga oo aan ka bixin xerada ciidanka birmadka oo uu dilku ka dhacay isla markaana xabsiga loo taxaabay.


Askariga dilka gaystay ayaa ka soo jeeda gobolka Awdal halka askariga dhigiisa ah ee uu dilka u gaystayna ka soo jeedo gobolka bariga gobolka Burco.


Xukuumada somaliland ayaan ilaa hada ka hadal falkan dilka ah ee ka dhex dhacay xerada ciidamada birmadka ee magaalada Hargeysa, iyada oo maydkii marxuunka la dilayna maanta la aasay.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland


Loading...
Loading...