Xildhibaano Ka Tirsan Labada Gole Oo Faah Faahiyey Kulan Ay Ugu Tageen Ex Madaxweyne Siilaanyo

0
Thursday June 06, 2019 - 18:09:18 in News by
  • Visits: 2799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Ka Tirsan Labada Gole Oo Faah Faahiyey Kulan Ay Ugu Tageen Ex Madaxweyne Siilaanyo

    Xildhibaano Ka Tirsan Labada Gole Oo Faah Faahiyey Kulan Ay Ugu Tageen Ex Madaxweyne Siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano Ka Tirsan Labada Gole Oo Faah Faahiyey Kulan Ay Ugu Tageen Ex Madaxweyne Siilaanyo


Hargeysa(HWN):-Xildhibaano ka tirsan goleyaasha wakiilada iyo guurtida ayaa booqasho ugu tagay madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.


Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ka tirsan golaha guurtida somaliland iyo xildhibaan NacNac oo golaha wakiilada ka mid ah ayaa booqasho ay ugu tageen madaxweynihii hore waxay soo bandhigeen ujeedada ka dambaysa.




Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ka hadlay kulanka ay la qaateen madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Siilaanyo ayaa waxa uu yidhi " Madaxweynaheenii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ka mid yahay halyeeyadii soo celiyey qaranimada dalkan iyo dhismihiisaba, waxanan ugu nimid inaanu soo siyaarano, waanu caafimaad qabaa anaga oo ilaahayna u waydiinayna inuu mid taam ah siiyo inta cimrigiisa ka hadhay.”


Xildhibaan Indho Indho ayaa sidoo kale sharaxay ujeedada ka dambaysay ubax qoorta ay u sudheen madaxweynihii hore waxaanu yidhi "Ujeedada aanu ubaxa ugu xidhnay waa kalgacayl iyo qofka aad jeceshahay oo aad gudoonsiin karto, waanad aragtay ilma nabi Aadan qofba qofkii uu jecel yahay ayuu faraawil u galiyaa markaa waa hadiyad maamuus ah oo aanu u keenay, xurmo, karaamo ama ixtiraam ayaa la yidhaa qofba sida uu u yaqaano,.”


Sidoo kale xildhibaan Indho Indho ayaa intaas raaciyey "Labadayada xildhibaana inaanu ka barakaysano ayaanu ugu nimid oo dhabarka ayuu naga soo dhirbaaxay, dadkuna waxay yidhaahdaan waa guul wadayaashii balse waxaanu nahay run sheegayaashii labadii gole.”


Xildhibaan NacNac ayaa dhiniciisa ka hadlay booqashada ay ugu tageen madaxweynihii hore waxanu yidhi "Madaxweynaheenii hore Axmed Siilaanyo ayaanu ku soo booqanay gurigiisa waana nin aan la ilaabi Karin oo taariikhdu qortay kaas oo umada somaliland iyo anaguba aanu jecelnahay, badanaana waanu u nimaadnaa.”


sidoo kale madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay kulanka uu la qaatay xildhibaanada ka tirsan guurtida iyo wakiilada " Ciid wanaagsan ayaan idin leeyahay, waxaanan ilaahay ka baryayaa in ciidan ciideeduu uu inagu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo"ayuu yidhi ex madaxweyne siilaanyo.

Loading...
Loading...