Somalidu Door Kuma Laha Siyaasadda Geeska Afrika

0
Friday March 08, 2019 - 11:03:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalidu Door Kuma Laha Siyaasadda Geeska Afrika

    Sababta meel kale loo raadin mayo waa isla iyaga uun Horrayso iyo danbaysaba,meesha waxa ka maqan xisaabtan maxad ku faaidaysaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababta meel kale loo raadin mayo waa isla iyaga uun Horrayso iyo danbaysaba,meesha waxa ka maqan xisaabtan maxad ku faaidaysaa

 walalkaana ku faaiidayaa halkay ka ahaan lahayd waxa ay u rogeen Food saar daba saar loo rogay (Upside down) waxa weeyaan side ayaad walaalkaa u dishaa,oo aad sharaf uga raadisaa shisheeye,

Hadaad imika eegto xukuumadda Somalia ka jirta ee magacii umadda Somaliyeed Sii hayaha ka ah (Continuator) ma matasho umaddi Somaliyed ama Somali Repuplic ee waxay ka tahay magac haye,waxay ahayd inay ku dadaasho Nabad dhisid inta aanay dibadaha xoogga saarin hase ahaatee Dibad wareeg ayay wakhtigii kaga dhamaaday,halkii loo tirinayay oo Muqdisho ahayd Nabad kamay hirgelin ka dibna waa kaas madaxweynohoodii kolba dhinac loo jiidayo inta gacanta la qabto.

Jabuuti oo Runtii ahayd Xukuumad muhiim ka ah geeska Afrika,way aamustay oo Xukuumaddii Somalia ee ay sida beedka u sidatay ayaa ku noqotay mas jeebka ugu jira,laga yaabee Xukuumadda Somalia marku wax yeelada iyo dhaawaca u gaystay walaalohood Jabuuti inanay is ogaynba, Eritrea oo loo yaqaannay Waddan shar ah oo ku garadrooday Jabuuti oo dhul ka qabsatay isla markaana Cunaqabatyn ay Saartay Qaramada midoobay ayaa abby ahmed u adeegsaday M. Farmaajo sallaankii Cunaqabataynta lagaga qaadayay Eritrea Sidaas ayay baaq wada jira ugu direen UN Eritrea waxa laga qaaday Xayiraaddii iyo Cunaqabatayntii iyadoo aan Jabuuti laga Dow marin dhulkii laga haystay.

Somaliland oo iyadu iskeed isugu tashatay Xukuumadda Somalia waxay ku tahay (Threat) halis.Qaadhaanka Waddamada adduunku u soo ururiyaan ee ahayd inay dadkooda baahan ku jiheeyaan ama ku quudiyaan ama baahiyo asaasi ah ugu sameyaan, waxay u adeegsadaan Cadaawad iyo inay Somaliland isku diraan,waxa Tusaale kuugu filan iyadoo laga yaabo dadka muqdisho iyo hareereheeda ku dhinta maalin kasta aan tiradooda la aqoon ayaa ayuu madaxweyne Farmaajo Qof Hargeisa ku xanuunsanaya uu tacsi u soo dirayaa ama Lacag yar isagoo iska dhigaya inuu Somalinimo ugu damqanayo waase policy ee maaha damqasho.Suaashu waxay tahay maxaa ogaysiiyay qofka Hargeisa ku xanuunsanaya ee uu u ogaan waayay Kumanaanka maalin kasta ku dhibaataysan Somalia?waxa nasiib wanaag ah Somaliland waxbaa u kordha ee waxba kagama dhacaan dhagar kasta oo ay soo maleegaan.

Dhinaca kale waxad arkaysaa in madaxweyne Farmaajo uu ka tanaasulay Dacwaddii badda ee Kenya.sababtu waxa weeyaan Cunaqabatayn ay Kenya ku soo Rogto ma qaadi karto xukuumadda Somalia waayo dano badan ayaa kaga xidhan Kenya,Saamayn badan ayay ku leedahay Siyaasadda Somalia,xattaa Ciidanka Kenya ayaa ka mid ah Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Somalia Waxay haysattaa Kenya Fursad ay ku garadarroon karto kuna amar ku taaglayn karto Miyaanay ahayn inuu Madaxweyne Farmaajo Garab ka raadiyo Dhinaca Somalida kale Maxaa u diidaya Inuu Somaliland la heshiiyo Sida uu abby ahmed ula heshiiyay Eritrea,maxaa u diidaya inuu Jabuutti ka dhigto saxiibka ugu wayn ka dibna uu la gor gortamo waddamada Geeska Afrika.

Dhinaca kale khalad diplomasi ah ayay gashay Xukuumadda Somalia waayo waddankaii khilaafku ka dhexeeyay ayay wada hadal kula gashay Gurigooda iyadoo waliba gacan sadexaad sii kaxaysay halkay ka ahaan lahayd in wadan sadexad lagu wada hadlo, taas waxa ka habboonayd,Inuu Madaxweyne farmaajo sidii Anwar-al-saadaat isagu intuu diyaarad raaco ka dego Nairobi, sidaas ayaa sharaf dhaantay,lkn sidani waxay ku tahay bahdilaad (Humiliation) iyo bisayl la aan Siyaasadeed.

Somalidu waxay ku maah maahdaa "Karis xun iyaduna ku wax la”Xukuumadda Somalia ka Talisaa maanta Way is ceebaysay Somalidii kalena wax ay galaafatay iyo wax ay xaasidday ayay ka dhigtay

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...