Shirkadda Sagal Jet Oo Xuskii 18KA May Kaligeed La Siiyay Daabacadii iyo Sida Loogu Qaraabo Kiilay.

0
Tuesday May 21, 2019 - 15:16:58 in Articles by
  • Visits: 2661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Sagal Jet Oo Xuskii 18KA May Kaligeed La Siiyay Daabacadii iyo Sida Loogu Qaraabo Kiilay.

    Shirkadda Sagal Jet Oo Xuskii 18KA May Kaligeed La Siiyay Daabacadii iyo Sida Loogu Qaraabo Kiilay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Sagal Jet Oo Xuskii 18KA May Kaligeed La Siiyay Daabacadii iyo Sida Loogu Qaraabo Kiilay.


Xukuumadda somaliland ayaa qaab qarsoodi ah waxa ay u siisaa Cabdi Yuusuf Aar Mulkiilaha Shirkada SAGALJETmashaariic qarsoodi ah kuwaas oo bulshadda kale ee somaliland loogu diido madaama oo ninkan isku hayb yihiin muuse bixii waxaana uu qay muuqata ka soo qaatay ololihii muuse biixi.





Shirkadda sagal jet waxa kaliya ee hadda laga daabacaa waa qandaraasyadda ka soo baxa madaxtooyadda sida calamanta,garamaanta,istiikaradda dhamaan waxaas oo dhami waxa ay kooto ugu xidhan yihiin shirkadda sagal jet cid kale oo la siin karaan majirto waxaana u xidhay madaxwaynaha somaliland mudane muuse biixi cabdi markii shirkada sagal jet hoos dhac waynu soo gaadhay wakhtigii ay u jan-jeedhsatay xisbiga kulmiye oo labadii xisbi ee kelana u diiday in ay daabacdo qalabkooda.


Haddaba mashaariicda lasiiyo ma soo maraan qandaraasyadda qaranka oo iyagu ah rag si cadaaladda ah bulshadda ugu garsoora waxaana muuqata in shirkadan laga xigsanayo shirkadihii kale.


Xuskii 18ka may dhamaan calamadii la daabacay oo dhan waxa soo daabacday shirkadda sagal jet majirto cid siisay shirkadda iyo tartan ay u gashay toona oo laga baahiyay saxaafadda balse taageeradii ay muuse biixi u sameyeen xiligii ololaha doorashadda ayaa waxa socda abaal celinteedii.


Markii hore iyadda oo cabasho laga qabay saami xukuumadda ayaa haddana mashaariicdii dalka waxa afka u dhigta oo kaliya nin ay isku qaraabo yihiin madaxwayne muuse biixi oo ah shirkadda sagal jet waxaana taasi markhaati madoon u tahay sida ay xuskii 18ka may kaligii kootadda loogu xidhay,waxaana sidoo kale la sheegayaa in qurxinta goobtii marti sharaftu fadhiyaddana uu sameeyay mulkiilaha shirkadda sagal jet.


La soco warbixino kale oo taxane ah kaasi oo lagaga hadlayo sida loogu qaraabo kilo shirkadda sagal jet.

Farxaan Cabdi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...