"Qofba Wuxuu Ku Degan Yahay Halkuu Daacad Kaga Hadho" Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

0
Tuesday May 21, 2019 - 10:41:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Qofba Wuxuu Ku Degan Yahay Halkuu Daacad Kaga Hadho" Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

    Aragtida laga haysto cadaalad darada bulshada Somaliland waa aragti kooban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aragtida laga haysto cadaalad darada bulshada Somaliland waa aragti kooban

sida ka ku xiga u hiili oo ka fog ka hiili waxaa jirta Cadaalad daro ka dhalata qofka xilka haya FOGEE bulshadii ku soo dooratay si aan laguu odhan waa ninku xigtadii ayuu u qaraabo-kiilay Isla markaa soo dhawayso kuwa kale oo aad kala xisbi ahaydeen ama mucaarid kugu ahaa si uu RAALI KAAGA noqdo !



Sideedaba Ba`ni aadamku marka u arko miisaanka oo dhamaystiran iyo ficil sinaanshe u muuqda kalsooni ayaa gasha hadii lagu yidhaa aqalkaaga dan guud ayaa loo dumiyay wuu yeelaa isagoo ku raaliya cadaalada ama sinaanshaha oo midhaheedu aad u macaan in gadaal laga gurto


Markaa dawladaha iyo maamulada waxaa raajiya madaxda oo cadaalad laga helo sidoo kale waxa dumiya maamulka oo jawr iyo dulmi falla, Ninka madaxda ahi kuma qasbana in laga raali ahaado xili kasta wuxuuse ku qasban yahay inta itaalkii inuu isku miisaamo Danta Guud , Danta Siyaasiga ah, Danta deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, Danta dadka u codeeyay iyo kuwa ka codeeyay iyo weliba ku aan codayn oo isku mid ugu adeego, iyo Danta Waaqici ku faraayo ee aanad ka boodi karayn.


Muj : Maxamuud Cabdi Shide AHN waxaa werwer badan ku hayay dadka oo si SIMAN u heli waaya XOGTA ama in dib loo gumaysto iyadoo magac siyaasadeed lagu dagaayo iyo in siyaasi danbe oo iyaga sheeganayaa aanu been u sheegin waxaan u qabaa inuu watay Muj Tuur mashruuc maanfur ah oo dadka lagu xoraynay "Cadaalad” Isaga iyo in badan oo Mujaahidiintii SNM ka mid ah AHN dhamaantood


Maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid
Isagoo eeda iska fogaynaaya oo isleh HARGEYSA oo dhan ayaad Maayir u tahay
ayuu dadkii soo doortay xaquuqda ay ku lahaayeen dayacay, dheelitirka miisaanku wuxuu ku jiraa iyadoo meel dhexe oo dheeli tiran gebi ahaanba maamulka dawada hoose lagu soo celiyo Maayir muwaadiniinta caasimada degan XUQUUQ siman ayaa deeqaysa "Baahidayada waa intaa”

La Soco ...

Allaa Mahad Leh

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...