Tacsi iyo Tahniyad: Xadhigga Maxamed Siddiiq Dhamme W/Q Siciid Gahayr

0
Monday May 20, 2019 - 20:15:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tacsi iyo Tahniyad: Xadhigga Maxamed Siddiiq Dhamme W/Q Siciid Gahayr

    Tahniyad: Waar maanta si baad u soo indha-castahay, xitaa bidaartii ayaa ku qiiqaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tahniyad: Waar maanta si baad u soo indha-castahay, xitaa bidaartii ayaa ku qiiqaysa.

 Waadigan tiiraanyada is-maray, yaa dhintay?

Tacsi: Cidina ma dhiman, haddana geeri kama duwana.

Tahniyad: Waa maxay falkaas weyn ee aan qudh la jaro ka sokayni?

Tacsi: Saw waxa aynu ku kula soconnaa xeerka maaha, haddii lagu tunto miyaanay is-dhexyaac iyo tashuush ahayn! Taas ayaa qammuunyo igu haysa

Tahniyad: Waa kee sharciga lagu tuntay?

Tacsi: Raggan xabsiga laga buuxiyay ee Ramadaantaa liinta cabbaya miyaanad arkaynnin Ma Maxamed Siddiiq Dhamme, Ma Cabdimaalig Muuse Coldoon, Ma Abwaan Baashe Xasan Maxamed, Ma Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud ikk

Tahniyad: Kan aad ugu horraysiisay, ee aad sawirkiisa walwaalaysaa, miyaanu ahayn Guddoomiyihii Dhallinayrada Xisbiga WADDANI ee caayay Madaxweyneha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi isla markaana kicinayay dadka?

Tacsi: Waar dee ha igula hadlin afkii booliska, gaar ahaanna af-hayeen Faysal Xiis Cilmiga iska dhurma ee waxa uu doono iska yidhaahda. Imaka ayuu ninkaas Gaashaanleha Sare ahi iska odhan doonaa "Warqad baa la ii dhiibay, oo aan akhriyay”. Dadku weliba siyaasiga xilka hayaa, xaq buu u leeyahay in uu dareenkiisa cabbiro.

Tahniyad: Ma been baa in uu madaxweynaha caayay?

Tacsi: Hore ayaa loo yidhi "Nin durbaan qaatay, ilaaq dalbay”. Waxa kale oo la yidhi "Kursiga ayaa cayda leh”. Ninku wuxuu diiday in gabbalka loo rido dadweynaha Ceerigaabo, Garadag iyo Ceel-af-weyn. Ma is dhul-dhig iyo qunyar-socodnimaa xaaladda degdegga ah ee Gobol-weynaha Sanaag, miyaanay ku filnayn in la soo qabto raggii saraakiisha khaarajiyay?

Tahniyad: Miyaanu madax-weynaha keli-telis ku sheegin, miyaan hoggaamiyaha qaranka dharaarcad la dooran? Sidee ayuu macangag ugu sheegaa?

Tacsi: Goaankii xaaladda degdegga ah lagu soo rogay, ma uu ahayn sida aan qabo mid laga talo-geliyey goleyaasha xukuumadda iyo xeer-dejinta. Waayo haddii laga wargeliyo, waa ay ansixin lahaayeen. Markaas talo aan loo dhammayn bay ahayd, taas ayuu ka hadlay

Tahniyad: Haddii uu haysto madaxweynihii uu caayay, yaa ka furfuraya illeen dalka ayuu haystaaye, adigaagaas ayuu kugu darayaa oo sidaadii sonkortu kugu kici!

Tacsi: Inaan aniguna caytamo ayaad iga rabtaa. Laakiin waxa aan kuu sheegayaa, aniga cid igu soo dhacaysaa ma jirto. Gol-daloolo la iga heli maayo. Gef dambe oo aan u dulqaadanayaa ma jirto. Waa kii Madaxweynuhu sheegay in qofka gurigiisa lagu weeraraa uu is-difaaci karo, wallaahi askariga xun ee isoo hor istaaga ama ka soo dira inaan dhafoorka ka toogan, ama gaadhi jiidhsiin. Anigu malag ma ihi, intaan dulqaadan karayay waan dulqaatay. Ibraahin-Hawdow maalin hore ayaad i weydiisaye, imakaba taas iga gunud. Waar yaan taraarine, haddii aan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aqaanno, waa nin jar iyo buurba soo maray, ma aha nin ka cadhooda laba weedhood oo Facebook lagu qoro, kamana dambeeyo xadhigga Maxamed Siddiiq Dhamme.

Tahniyad: Haddaa yaa ka dambeeya?

Tacsi: Qaar leh ‘Dhammow madaxweynaha isku Beel-weyne guud baad tihiine, maxaad uga hor imanaysaa?’ iyo ciidan boolis ah oo ku-tumashada sharciga u haysta geesinnimo, faan iyo ajar. Ha i weydiin magacooda anigu nin aan xil haynnin waxba farta ku fiiqi maayo

Tahniyad: Miyaanu Dhamme kicinayn dadka Sanaag?

Tahniyad: Warkaas waa laga gudbay, anigaygan ayaa rabay inay 5000 qof yimaaddaan golaha baarlamaanka oo ay ku buuqaan xildhibaannadii rabay inay mooshinka cuna-qabataynta Sanaag u codeeyaan 4tii Mey 2019ka. Laakiin waa kuwii ka noqday ee laalay gebigiisaba, isla markaasna fasaxa galay. Kaas cidna looma qabsan karo.

Tahniyad: Miyaanay ahayn in Dhamme ka xishoodo adeerkii, illeen Madaxweynuhu waalid buu u yahay?

Tacsi: Hore ayuu Dhamme u yidhi "Xisbiyadu ma aha mag-wadaag, ee mabda’-wadaag”. Miyaanad arkin Muuse Biixi Cabdi oo hore u dhaliilaya Marxuun Cigaal oo leh "Ilaahay ta wanaagsan kuma garansiiyo”. Madaxweynaha xilkiisa waa lagu xurmayaa, dawladduna yaanay shacabka ku tumannin.

Tahniyad: Saw dee markaas Muuse Biixi Cabdi nin han leh muu ahayn oo raba in Cigaal ka hor dhaqaaqo illaa 1960kii buu hor taagnaa?

Tacsi: Haddaa ma Muuse Biixi Cabdi ayaan dadka hortaagnayn illaa SNM iyo kacaankii. Dhamme wuxuu haystaa garabka ugu dadka badan ee Xisbiga WADDANI. Shaqadooduna waa toosinta xukuumadda. In loo dulqaato dhaliisha ayaa wacnayd, waa maxay farta ayaa idin gaadhaysa.

Tahniyad: Aniga markii la xidhay ayaa iigu dambaysay, miyaan maxkamaddu xukumin weli?

Tacsi: Fiicnaan lahaydaa, waar ninka leexo rummaan la yidhaahdo ayaa la saaray. Dembi-baadhihii ku qornaa ayaa kolba Sanaag iyo Sool u tamashle tegaya. Dadkuba waxa ay ku dhintaan celcelinta. Haddii kiiska la dhegaysto, beri hore ayaa lagu kala calaf-qaadi lahaa. Walaw ay halkaa qudheeda fari ku godan tahay.

Tahniyad: Malaha inaad fagaare ka cambaarayso waxa ka fiicnayd inaad wasiirrada reer Saaxil u tagto. Waan hubaa in Cabdillaahi Abokor yahay geesi wax furdaamin kara

Tacsi: Cabdillaahi Abokor aaaaaaaaaaaaaaaaaaa.. Ma ninka aan garan waayay in uu soomo iyo in kale ee Ramadaanta buuriga tufaya.. Ma ninka kijada iyo carruurta wax barata Masar u tagtay hadal haya! Ma ninka gurta lacagta xaaraanta ah ee baadda ah! Ma ninka qirtay in uu booliska rasaasta la dhacay! Ma ninka eeddii Warancadde oo hubka soo bandhigay kula meeraystay Xirsi! Ma ninka waraaqihii cashuurta, agabkii liisanka iyo agabkii buugta gawaadhida u samaystay shirkadda gaarka ah ee aan ku wareejin madbacadda qaranka ayaad i leedahay u tag?

Tahniyad: Waar dee qudhaadu cidba dhaafi maysid, miyaanad soommanayn?

Tacsi: Waar dee aniga soonkayga waxba kaama gelin. Waa in ninkaas dhakhso loo soo daayo. Xitaa beeshii caalamka ayaa ka hadashay xadhiggiisa

Tahniyad: Ma ku kalsoontahay maxkamadda iyo garsoorka?

Tacsi: Ninkaasi in maxkamad la’aan la sii daayo ayuu xaq u leeyahay, maxaa keenay maxkamadda! Afkii guul-wadeyaasha ha igula hadlin!

Tahniyad: Adiguba sawdigii guul-wadaha ahaa!

Tacsi: Waa aan guul-wadaynba lahaaye marka Cabdiraxmaan Abees gudaha la dhigo, Axmed Cismaan Geelle la baayaco, anigaygaa la i taxaabo ee qalloocu bato miyaan aammusi karayaa.. Ninkaas dhakhso ha loo sii daayo. Xukuumadda qallooca uguma sacabin karo, wannaaggeedana waan jecelahay

Tahniyad: Bal aynu isu soo afurno

Tacsi: Waar ninkaas oodda ha laga qaado, intaad sidan tahay malaha isku soo noqon maynno’e…………….. Nabadgelyo… Joog, joog.. Waa inoo habeen dambe iyo xadhigga Samafale Cabdimaalig Muuse Coldoon haddii Alle idmo.



Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...