Guddoomiyihii Shirkadda Liisamada Somaliland Oo Caddaalad Darro Dalka Uga Cararay Kuna Biiray Jabhadda Caarre

0
Wednesday March 06, 2019 - 08:56:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Shirkadda Liisamada Somaliland Oo Caddaalad Darro Dalka Uga Cararay Kuna Biiray Jabhadda Caarre

    Qardho (HWN)- Qandaraaslihii Mashruuca Liisammada Wadista Gaadiidka Somaliland ee Heshiiska kula jiray xukuumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qardho (HWN)- Qandaraaslihii Mashruuca Liisammada Wadista Gaadiidka Somaliland ee Heshiiska kula jiray xukuumadda

 Somaliland oo mudooyinkii ugu dambeeyay cabashooyin tiro badan warbaahinta u marinaayay labadii xukuumadood ee kala dambeeyay iyada oo uu muwadankan magaciisu yahay Sakariye Nuur Cabdillahi ayaa hore u sheegay in uu adeegii shaqo ee uu Dawlada Heshiiska kula jiray uu Wasiirka Wasaarada Gaadiidku si badheedh ah uga barbar samaysatay Madbacad sharci daro ah oo uu leeyahay wiil uu adeer u yahay iyada oo xukuumadu hore u shaacisay in mashruucan lagu wareejin doono Gacanta Dawlada (Madbacada Qaranka).

Sakariye Nuur Cabdilahi ayaa Xuduudda Somaliland ka talaabay isaga oo rartay dhamaan Agabkii Mashruuca Liisamada uu ku daabici jiray isla markaasna la galay dhinacaa iyo maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrintan oo shakabadda wargeyska FOORE helay waxa ay tibaaxayaan in Sakariye Nuur Cabdulaahi oo ahaa Guddoomiyihii shirkaddaasi oo wakhtigan ku sugan Magaalada Qardho ee Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland uu dalka cadho kaga baxay isaga oo xukuumadihii kala dambeeyay Siilaanyo & Muuse Biixi ka tirsanaya caddaalad darro ay kula kaceen iyaga oo dhinaca kalena sheegay in qandaraaskii ay xukuumaddii hore ku siisay adeegga soo saaridda liisamada ay dawlada Muuse Biixi shirkad kale oo gaar ah oo beeshiisu leedahay Xubno u dhawdhaw si gaar ah ula socda xaaladdan oo wargeyska Foore u warramay waxa ay sheegeen in wakhtigan Sakariye ku sugan yahay Magaalada Qardho isaga oo walaac weyn ka qaba xaaaladda ku dhacday shirkadooda aadna uga cabanaya xukuumadda Muuse Biixi.

"Mishiinadii iyo dhammaan qalabkii ay shirkaddani ku hawl galaysay waxa ay ula guureen dhinacaa iyo magaalada Garoowe kadib markii cid kale loo xidhay adeeggii ay hore qandaraaska ugu heleen ee loo siiyay, taasi oo keentay in ay meelo kale ugu adeeg doontaan kadib markii ay dalkooda ka waayeen xuquuqdii ay lahaayeen ee lagu sameeyey caddaalad darro” hatana la filayo in uu isku dhiibo Jabhada Caare Cadaalad u dirirka ah ee fadhiisinkeedu yahay Qardho sidaa waxa wargeyska u sheegay masuul shirkadda ka tirsan.


Loading...
Loading...