Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Hada Gaadhay Magaalada Nairobi Ee Kenya+Sawiro

Wednesday March 06, 2019 - 00:17:41 in News by
  • Visits: 3275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Hada Gaadhay Magaalada Nairobi Ee Kenya+Sawiro

    Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Hada Gaadhay Magaalada Nairobi Ee Kenya+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Hada Gaadhay Magaalada Nairobi Ee Kenya+Sawiro

 

Nairobi(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa hada gaadhay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.


Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa ka soo kicitimay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya halkaas oo ay wada hadal ku yeesheen maanta.

Ujeedada socdaalka ay ku tageen magaalada Nairobi hogaamiyeyaasha Soomaaliya Iyo Itoobiya ayaa laxidhiidha sidii ay wada hadal u yeelan lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyata.



Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa dedaal ugu jira sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka dublamaasiyadeed ee u dhaxeeya wadamada Soomaaliya Iyo Kenya isaga oo haatan u muuqda inuu ku guulaysanayo wada hadal toos ah oo dhexmara labada hogaamiye ee Kenya iyo Soomaaliya.


Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa la filayaa in maalinta arbacada ah ay yeeshaan wada hadal toos ah oo ay ku faaqidi doonaan khilaafka u dhaxeeya labadooda dal, iyada oo uu goob joog ka ahaan doono raysal wasaaraha Itoobiya.



Loading...
Loading...