Madaxwayne Muuse Taladii Wuu Isku Koobay,Waana Nin Orgi Rartay…Siyaasi Cali Guray.

0
Saturday April 27, 2019 - 12:19:13 in News by
  • Visits: 3380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Muuse Taladii Wuu Isku Koobay,Waana Nin Orgi Rartay…Siyaasi Cali Guray.

    Madaxwayne Muuse Taladii Wuu Isku Koobay,Waana Nin Orgi Rartay…Siyaasi Cali Guray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Muuse Taladii Wuu Isku Koobay,Waana Nin Orgi Rartay…Siyaasi Cali Guray.


Hargaysa(HWN)Siyaasi Cali guray oo ka mid ah siyaasiyiinta waawayn ee somaliland ayaa ku edeeyay madaxwayne Muuse biixi inuu iskugu koobay taladii dalka somaliland isla markaasina aanay jirin cid kale oo la talin kartaa.




Siyaasi Cali guray ayaa tilmaamay in dhib kasta oo dalka ka taagani ay u xanib tahay inta uu xalka u helayo madaxwayne muuse biixi oo loogu keenayo xafiiskiisa waxaana uu yidhi.


"Muuse Xawligii Loo Baahnaa kumuu socon taladiina isaga ayay ku kooban tahay oo dhibaatooyinkii dalka ka jiraana xalkoodu isaga ayuu kuwadda xidhan yahay isagiina waa Qof kaliya,lakiin waxaan odhan karaa hadii uu madaxwaynahu taladdiisa isku koobo tiisa ayuunbuu ku guurayaa,somaliduna waxa ay tidhaah nin tiisa uun ku guuray waa nin Orgi Rartay uun markas orgina wax maqaadee taladu waxa ay u baahan tahay inaad balaadhiso.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Horyaal tv.


Intaas waxa uu ku daray siyaasi cali guray oo hadalkiisa siiwata.”isagana dhibaato ayay ku tahay oo markaad eegto waddanka dhibaatadda ka jirta oo dhan ilaa ay miiskiisa timaado meel kale xal kama hesho hadii hadda ay laba islaamaadoo is qabsadaan oo murmaan waa in muuse biixio xafiiskiisa tagaan oo xalka laga doonaa.


Siyaasi Cali guray ayaa dhinaca kale xisbiyadda mucaaradka somaliland ku edeeyay in ay gabeen kaalintoodii qarankaga kaga aadanayd,waxaana uu u soo jeediyay in ay noqdaan mucaarad adag oo wax toosiya.


Loading...
Loading...