Xog Cusub Oo Lagu Shaaciyey Warbixintii Laga Soo Saaray Xidhiidhka Ruushka Iyo Madaxweyne Donald Truhmp

0
Friday April 19, 2019 - 05:38:02 in News by
  • Visits: 2458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Cusub Oo Lagu Shaaciyey Warbixintii Laga Soo Saaray Xidhiidhka Ruushka Iyo Madaxweyne Donald Truhmp

    Warbixintii Baadhista madaxweyne Trump Iyo Ruushka Oo la soo bandhigay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixintii Baadhista madaxweyne Trump Iyo Ruushka Oo la soo bandhigay


Madaxweyne Donald Trump ayaa isku dayay in shaqada laga eryo ninkii loo xushay inuu baaritaanka ku sameeyo xiriirka uu madaxweynaha la leeyahay Ruushka, sida ku xusan warbixin muddo dheer la sugayay oo hadda la shaaciyay.

Warbixinta la shaaciyay ayaa ahayd mid waqti dheer la sugayay


Waxaa isasoo taraya soo shaac bixidda xogaha ku jira warbixintan oo ka kooban 448 bog, taasoo uu aruuriyay wakiilka gaarka ah ee loo xil saaray arrinta, Robert Mueller.


Kooxda dhinaca sharciga u qaabilsan Mr Trump ayaa horay u sheegtay in shaacinta warbixintaas ay u noqon doonto "guul baaxad leh".


Waxay arrintani timid xilli xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, oo ah garyaqaanka ugu sarreeya waddanka, William Barr uu wajahayo dhaleeceyn ku saabsan sida uu u qaabilay sii deynta warbixintaas xasaasiga ah.


Xeer ilaaliyaha guud, oo ah nin uu soo magacaabay Mr Trump ayaa dhawaan qabtay shir jaraa'id, ka hor inta aan war bixinta lasoo bandhigin, wuxuuna u muuqday inuu difaacayo madaxweynaha.


Ficilladiisa ayaa horseeday in saraakiisha sar sare ee xisbiga Dimuqraaddiga ay su'aal ka keenaan daacadnimadiisa iyo madaxbannaanidiisa.


Warbixinta la shaaciyay ayaa sidoo kale waxaa ku jira in bishii Juunyo ee sannadkii 2017-kii uu madaxweyne Trump wacay Don McGahn, oo ah qareen horay uga shaqeyn jiray Aqalka Cad, uuna ka dalbaday in la isku dayo sidii shaqada looga eryi lahaa Mr Mueller, isagoo sabab uga dhigay arrin uusan faahfaahinin oo ku saabsaneyd in "dano iskhilaafaya" ay ugu jiraan shaqada.


Warbixinta Mr Mueller ayaa lagu sheegay in aan la helin wax dambi ah oo ku saabsan xiriir dhex maray kooxdii ol'olaha doorashada ee Mr Trump iyo Ruushka.


Hase ahaatee, wali wakiilku ma uusan soo saarin go'aan rasmi ah oo ku saabsan in madaxweynaha uu sharciga ku xad gudbay iyo in kale.




Source:-BBCsomali

Loading...
Loading...