Gudoomiye Ciro Oo Faah Faahiyey Heshiiska Ay Xisbiyadu La Gaadheen Hogaamiye Muuse Biixi

0
Thursday February 27, 2020 - 18:04:01 in News by
  • Visits: 2328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Ciro Oo Faah Faahiyey Heshiiska Ay Xisbiyadu La Gaadheen Hogaamiye Muuse Biixi

    Gudoomiye Ciro Oo Faah Faahiyey Heshiiska Ay Xisbiyadu La Gaadheen Hogaamiye Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Ciro Oo Faah Faahiyey Heshiiska Ay Xisbiyadu La Gaadheen Hogaamiye Muuse Biixi

 


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa faah faahin ka bixiyey heshiiska ay xisbiyada mucaaridka ahi la gaadheen hogaamiye Muuse Biixi.

Image result for gudoomiye ciro


Gudoomiye Ciro waxa uu sheegay in meesha laga saaray guddida uu khilaafku ka taagnaa ee Cabdirashiid Riyo Raac hogaaminayey isla markaana ay doorashooyinka iyo maamulkeedaba qaban doonaan guddidii hore oo la soo celiyo isla markaana lagu xoojiyo sadex xubnood oo ka socda beesha caalamka.


Gudoomiye ciro oo ka hadlaya heshiiska ay la gaadheen hogaamiye Muuse Biixi ayaa waxa uu yidhi "Marka waxaan u mahad naqaynaa cid kasta oo heshiiskaas ka soo shaqaysay kaas oo uu ugu muhiimsanaa danjiraha dalalka yurub Nicolas Berlanga, guddidii dhex dhexaadinta iyo shakhsiyaadkii kale ee isku dayey in la soo afjaro khilaafka iyo doorasho la,aanta, waxa maanta laga heshiiyey arintii doorasho la,aanta waxaana lagu heshiiyey in la qabto doorashadii golaha wakiilada iyo doorashadii golaha deegaanka sanadkan aynu ku jirno ee 2020.”ayuu yidhi gudoomiye cirro oo la hadlay Saabtv.


Sidoo kale gudoomiye Ciro oo ka hadlaya khilaafkii ka taagnaa guddida doorashada aya waxa uu yidhi "Arintii ugu muhiimsanayd ee inta badan khilaafku ka taagnaa waxay ahayd guddida doorashooyinka qaranka, arintaas waxa lagaga heshiiyey in wax laga soo qaatay go’aankii odayaasha, waxaanu lagu dhex dhexaadiyey asxaabta iyo madaxweynaha in guddidii hore ee doorashooyinka ee wakhtigoodu dhamaaday la soo celiyo laguna daro sadex qof oo caalami ah, tobankaas qofna ay qabtaan doorashada.”


Sidoo kale gudoomiye Ciro waxa uu ka hadlay awoodaha ay kala yeelanayaan guddidii hore oo la soo celinayo iyo guddidan hada joogtaa waxaanu yidhi "Guddida hada jiraana ay awoodii ku wareejiyaan in guddidaas hore ee la soo celinayaa ay qabtaan doorashooyinka, guddidaasina waxay noqon doonaan guddi qabta doorashooyinka oo awoodii la siiyo, maamulka doorashooyinka iyaga ayaa yeelanaya, diwaan gelinta iyaga ayaa yeelanaya, arimaha miisaaniyada, qorista shaqaalaha iyo maamulka goobaha iyaga ayaa yeelanaya, guddidan hada jirtaana waxay yeelan doonaan ku dhawaaqista natiijada doorashada wixii shaqo ee ay qabtaana waxay u gudbin doonaan guddidaas hada joogta.”

Loading...
Loading...