Dantiiba Run U Sheegtayo, Dalkiiba Laga Yeeshay, Dugsan Waayeqabyaalad, Distoorkii Ka Saraysa
WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-DAWLADEENII YARAYDEE,DIRQIGEED TUKUBAYSAY,
DAGAALAKII GUDAHEENIYO,DIRISKAY KU WAREERTO,
DUNIDIINA KA JEESTO,DAASHAYO SOCON WAYDAYO,
DARIIQYADI LAGA SOO XIDHYE.DIB HA LOO AMBAQADO.
2-DURUUFO HAYSKA JIREEN,DA’YARTA YAACDAY HORTEED,
DADKU MUU WADA QUUSAN,DAREENKOOD ISMA DHIIBINO,
DURBAANKA LOOGA TUMAAYO,XAMARTAAS DILKU YAALEE,
DAAYIN HAWGA GARGAAREE,DADKOODII KU DHAMMAADAY.
3-DARYEEL YAAN CIDI SIININE,DULMI BAY KA QAXEENOO ,
DALKIIBA LAGA YEESHAYO,DANTIIBA RUNU SHEEGTAY.
DUGSAN WAAYE QABYAALAD,DISTOORKII KA SARAYSO,
ISKU SOO WADA DUUBOO,DADKEENII DIIN KA DHIGTEEN.
4-DAWLADII WAABIN LAHAYDNA,DOO HALKAY ODHANLAYD,
DABARKII BAY KA JARTAYOOY,WELIBA DAAJINAYSAAYO,
DURUUS WEEYE LA QAATOO,DUGSIYADAY KU DHIGTAABA,
DIIWAANKA WEEYE SHAQAALE,DALACAAD LAGU GAADHO.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!