Maxay Yihiin caqabadaha Ka Horyimid Qorshihii Raysal Wasaare Abiy Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Keenayey Hargeysa

0
Tuesday February 25, 2020 - 17:13:48 in News by
  • Visits: 2209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Yihiin caqabadaha Ka Horyimid Qorshihii Raysal Wasaare Abiy Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Keenayey Hargeysa

    Maxay Yihiin caqabadaha Ka Horyimid Qorshihii Raysal Wasaare Abiy Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Keenayey Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Yihiin caqabadaha Ka Horyimid Qorshihii Raysal Wasaare Abiy Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Keenayey Hargeysa


Hargeysa(Geeska)-Wargeyska caanka ah ee The East African ee ka soo baxa magaalada Nayrobi, ayaa cadadkiisii shalay qoray in qorshihii Raysalwasaare Abiye Axmed ku doonayay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo keeno Hargeysa, uu gidaar adagi ka horyimid.




Wargeyska ayaa qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay "Qorshihii Abiye uu ku doonayay inuu dib ugu heshiisiyo Soomaaliya, waxa ka horyimid gidaar.”


Wargeyska ayaa sheegay in qorshihii abiy Ahmed ku doonayey inuu madaxweyne Farmaajo ku keeno magaalada Hargeysa inay somalilnad ka hortimid isla ay diiday.


Wargeyska ayaa soo qaatay khudbadii uu hogaamiye Muuse biixi u jeediyey goleyaasha baarlamaanka somaliland ee uu ku diiday inuu madaxweyne Farmaajo yimaado magaalada Hargeysa, waxaanu wargeysku intaasi raaciyey in hogaaamiye Biixi soo dhaweeyey raaligelintii uu madaxweyne Farmaajo ka bixiyey xasuuqii ay dawladii siyaad Bare u gaysatayshacabka somaliland balse aanay taasi horseedin inuu hirgalo qorshihii uu Farmaajo kaga soo dagi lahaa Hargeysa.


Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay in go’aanka Muuse Biixi ka dib uu raysal wasaaraha Itoobiya u diray Hargeysa wefti culus oo ka tirsan xukuumadiisa kuwaas oo fashil kala kulmay dedaalkii ay wadeen ka dib markii ay masuuliyiinta somaliland meel adag iska taageen in madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyo Hargeysa.

Loading...
Loading...