Laba Wajiilaynta Beesha Caalamku Waxay Maraysa Heerkii Ugu Xumaa..W/Q Xuseen Aadan Cige Deyr
Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku xaq-darro cad iyo eex aan gabasho lahayn ka galayaan QARAN GUULAYSTAY oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Horumar, Dimuqraadiyad iyo Dawlad Wanaag, taasoo ay Jamhuuriyadda Somaliland ku sifowday 29-kii sano ee ugu dambeeyey!!
Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku is diidsiinayaan oo ay INDHAHA KA LALINAYAAN RABITAANKA IYO XAQA AAYA-KA-TASHIGA ummadda JSL, iyo xaqa ay u leeyihiin inay noqdaan Qaran Madax-bannaan oo ka mid ah Bulshada Caalamka.
Waxaynu ku jirnaa Xiilli la isku abaal-marinayaa Dawlad Xumada, Xasuuqa, ku Xad-gudubka Xuquuqda Aaadamaha, Colaadaha iyo Musu-maasuqa xad-dhaafka ah taasoo ah astaamaha lagu garto Qaramada Guul-darraystay. Markaa la soco waxa la inala rabaa in Dalkeenu noqdo Qaran Guul-darraystay!!
Sidaa darteed, UMMAD YAHAY HA ILOOBIN Ahaanshaha Ummadnimaada iyo Xilligii adkaa ee Shalay ku soo maray!!
HA ILOOBIN wixii aad Naf iyo Maalba u hurtay si aad u Xaqiijiso QARANKAA HIR-GALAY ee maanta la wada hadhsanayo.
HA NOOLAATO JAMHUURIYADDA SOMALILAND.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!