Wefti Ka Socda Wadanka Djibouti Oo Hargeysa Ku Soo Fool Leh Iyo Ujeedada Ay U Socdaan

0
Tuesday April 02, 2019 - 06:50:52 in News by
  • Visits: 9081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wefti Ka Socda Wadanka Djibouti Oo Hargeysa Ku Soo Fool Leh Iyo Ujeedada Ay U Socdaan

    Wefti Ka Socda Wadanka Djibouti Oo Hargeysa Ku Soo Fool Leh Iyo Ujeedada Ay U Socdaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti Ka Socda Wadanka Djibouti Oo Hargeysa Ku Soo Fool Leh Iyo Ujeedada Ay U Socdaan


Hargeysa(HWN):-Wefti ka socda dalka Djibouti oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi ayaa la filayaa inay soo gaadhaan magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Image result for jabuuti


Warar ay heshay shabakada Hadhwanaagnews ayaa xaqiijiyey in weftiga Djibouti oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi ay maalinta arbacada ee todobaadkan imanayaan magaalada Hargeysa kuwaas oo ilaa hada aan la cadayn ujeedada safarkoodu la xidhiidho.


Dhinaca kale waxa taagan xiisad ka dhalatay talaabo ay salaadiinta beelaha Arab sheegeen in xukuumada somaliland ay ku qorshaynaysay inay dawlada Djibouti u gacan galiso ganacsadaha Axmed Cismaan Geelle oo ay raadinayso, kaas oo haatan ku sugan magaalada Hargeysa.


Ilaa hada ma cada in weftiga ka socda dawlada Djibouti ay u imanayaan dalabkiii ay hore ugu soo gudbiyeen xukuumada somaliland ee la xidhiidhay inay u soo gacan galiyaan ganacsadaha reer somaliland ee Axmed Cismaan Geelle, balse waxa la dhawrayaa in ujeedadoodu cadaato marka ay soo gaadhaan dalka.


Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...