Garabyada Isku-haya Koonfurta Suudaan Oo Ku Heshiiyay Dhismaha Dawlada Wadaag Ah.

0
Thursday February 20, 2020 - 18:19:56 in News by
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garabyada Isku-haya Koonfurta Suudaan Oo Ku Heshiiyay Dhismaha Dawlada Wadaag Ah.

    Garabyada Suudaanta Koonfureed Oo Ku Heshiiyay Dhisida Dawlada Wadaag Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garabyada Suudaanta Koonfureed Oo Ku Heshiiyay Dhisida Dawlada Wadaag Ah

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir iyo ninka ay sida wayn isku hayaan ee Mucaaridka hogaamiya ee lagu magacaabo Riek Machar ayaa ku heshiiyay in la dhiso dowlad midnimo oo ku meel-gaadh ah kama dambayn maalinta sabtida ah.

Is-af-garadkan cusub ee la gaadhay ayaa yimid kadib markii ay labadan hogaamiye ku kulmeen Aqalka Madaxtooyada ee ku yaal magaalada caasimada ah ee Juba Khamiista.

Madaxweyne Kiir wuxuu balan qaaday sugida amniga hogaamiyeyaasha mucaaradka, taas oo damaanad u ah dalabkii Xulafada Mr Machar ay ku baadigoobayeen in amnigooda la sugo haddii ay si rasmi ah ugu laabtaan caasimadda Juba.


Mr Kiir wuxuu sheegay in ay jiraan qodobo muhiim ah oo aan wali la xalin, balse maalmaha soo socda la isku afgaran doono, qodobadaas oo ay ka mid yihiin sida isaga iyo Mr Machar ay u wadaagi doonaan awoodda iyo sida ciidamado qaran oo isku-dhaf ah loo dhisi lahaa.

Mr Machar wuxuu ogolaaday inuu la wareego xilkiisii hore ee madaxwayne kuxigeenka waxaana la kala diri doonaaa golaha wasiirada ee hada jira si loogu soo daro xubno badan oo mucaaradka ah.

Waxaa jira rajo laga qabo in heshiiska uu soo afjari doono dagaalada sokeeye ee South Sudan ee lixda sano socday.

Labada nin waxay dawlad wadaag ah oo tan la mid ah ay hore u soo dhiseen sanadkii 2026kii, dawladaas dhisnayd sedex bilood oo kaliya hor inta uusan Mr Machar ka ka cararin Juba mar labaadna uusan ka qarxin dalkaas dagaal sokeeye.
Loading...
Loading...