Raysal Wasaaraha Abiy Oo Lagu Wareejiyey Taag Laga Xaday Itoobiya Qarnigii 18aad

0
Thursday February 20, 2020 - 14:17:30 in News by
  • Visits: 2137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Abiy Oo Lagu Wareejiyey Taag Laga Xaday Itoobiya Qarnigii 18aad

    Raysal Wasaaraha Abiy Oo Lagu Wareejiyey Taag Laga Xaday Itoobiya Qarnigii 18aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Abiy Oo Lagu Wareejiyey Taag Laga Xaday Itoobiya Qarnigii 18aad


Taaj laga xaday dalka Itoobiya qarnigii 18-aad ayaa ugu dambeyntii lagu wareejiyay dowladda Itoobiya kaddib 21 sanno oo Taajkan dib looga helay guri ku yaal dalka Netherlands.



Nin u dhashay Itoobiya oo lagu magacaabo, Sirak Asfaw oo uu u qaxay dalka Netherlands dabayaaqadii toddobaatamadkii ayaa arkay nin Taajka ku sita boorsad, markiiba, wuxuu ogaaday in lasoo xaday.

Image

Maamulka guriga uu joogay ninkii sitay Taajka ayaa gacanta ku hayay isla markaasna ka shaqeeyay sidii dib loogu celin lahaa Itoobiya.


Taajkan wuxuu kamid yahay taajajka dhifka iyo naadir ah ee laga helo dunida, waxaana ku xardhan astaanta masiixiyiinta.


Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirro muujinayo isago lagu wareejinayo taajka, waxaana ku wareejiyay wasiirka ganacsiga iyo iskaashiga dalka Netherlands,Sigrid Kaag.

Image
Loading...
Loading...