"Waannu Is-dhinac fadhinay Xildhibaan Nacnac oo waxaan ku idhi waar Innaga ayuu isku keen dirayaaye..."

0
Wednesday February 19, 2020 - 23:10:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 5114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "Waannu Is-dhinac fadhinay Xildhibaan Nacnac oo waxaan ku idhi waar Innaga ayuu isku keen dirayaaye..."

    "Waannu Is-dhinac fadhinay Xildhibaan Nacnac oo waxaan ku idhi waar Innaga ayuu isku keen dirayaaye..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waannu Is-dhinac fadhinay Xildhibaan Nacnac oo waxaan ku idhi waar Innaga ayuu isku keen dirayaaye..."

Hargaysa(HWN):-Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Abwaan Dheeg), oo ka tirsan golaha guurtidda Somaliland ayaa sheegay innuu aad ula yaabay gabay ku jirey khudbaddii sanadlaha ahayd ee Kornayl Muuse Biixi Cabdi uu ka horjeedday Baarlamaanka Somaliland, waxaannu sheegay in gabaygaas uu ujeeddo u soo qaatay Kornayl Muuse, isla markaanna uu laba reer oo Walaalo ah oo is dhalay uu isku dirraayay.
Image result for Xildhibaan Dheeg


Xildhibaan Dheeg oo u waramaayay Telefishanka Bulsho Tv, waxa uu sheegay in Kornayl Muuse Biixi uu khudbaddiisii ku soo qaatay gabay uu lahaa Abwaankii waynaa Alle ha u naxariistee ee Faarax Nuur la odhan jirey, waxaannu Xildhibaanu sheegay in gabaygaasi aannu ku socon Xamar iyo Koonfurre'e uu ula jeedday laba reer oo Walaalo ah, kuwaasoo uu sheegay innuu isku dirraayay, isagoo meesha ka saarray sababta kasta oo uu gabaygaas u soo qaatay, iyaddoo uu Xildhibaanku sheegay innuu heli karraayay boqollaal gabay oo Koonfur iyo Xamar ku habboon haddii uu ujeedkiisu siddaa ahaa, balse wuxuu sheegay inaanu Xamar ujeeddin.

"Aniga (Xildhibaan Dheeg), ahaan khudbad sanaddeed iima muuqan bilow ilaa dhammaad, balse waxay ahayd khudbad ujeeddo leh oo duulimaad ah oo meel ku socota gun ilaa baar ayay ahayd wixii uu jeeddiyay Muuse Biixi. Marka u horraysa gabayga uu u bixiyay kala gooye ee Abwaankii Faarax Nuur uu tirriyay Xaarraame cunne. Gabaygase kala gooye Abwaan Faarax Nuur ma tirinne waxa tirriyay Abwaankii la odhan jirey Yowle oo habaryoonis buu u tirriyay. Gabaygan uu Muuse Biixi soo qaatay waxa uu la wakhti ahaa oo la nooc ahaa maalintii geellii indha-badanne la qaadday, geellaas oo Muuse Biixi reerkooddu lahaa." Ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg

Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Laba reer oo Walaalo ah oo Xaarraame cunne isku gabyay ayuu meesha ka tirriyay Muuse Biixi. Gabay uu ruux Madaxweyne ahinna soo qaato muu ahayn, haddii uu Xamar la hadlaayanna waxa jira Boqollaal gabay oo Abwaannadii hore iyo kuwa hadda joogaabba ay kula hadleen Xamar, laakiin Muuse Biixi lamuu hadlayn Xamar ee cid buu la hadlaayay, waxaannu is dhinac fadhinay Xildhibaan Nacnac oo sacabka tumay, waxaan ku idhi waar fadhiiso innaga ayuu isku keen dirrayaaye." Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Xildhibaan Dheeg)

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...