Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen oo Hadal Duur-xul ah Ku Ganey Kornayl Muuse Biixi Cabdi

0
Wednesday February 19, 2020 - 19:10:07 in News by A. Asbaro
  • Visits: 6308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen oo Hadal Duur-xul ah Ku Ganey Kornayl Muuse Biixi Cabdi

    Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen oo Hadal Duur-xul ah Ku Ganey Kornayl Muuse Biixi Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen oo Hadal Duur-xul ah Ku Ganey Kornayl Muuse Biixi Cabdi

Hargaysa(HWN):-Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen oo hadal duur-xul ah ku ganey Kornayl Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu sheegay in iyaddoo Xukuumaddu ku fashilantay hirgelinta doorashooyinka muddo dhaafay ee Wakiillada, Guurtidda iyo Deegaanka, haddana Xukuumaddu leeddahay waxaannu furraynaa Urruraddii siyaasaddii, taasoo uu ku tilmaamay hadal iska ciyaar ah oo fullintiisu ay adag tahay.
Image result for Jamaal Cali Xuseen


Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in Boqollaal balamood oo hore ay xukuumaddu samaysay, kuwaasoo aan mid qudha la fullin, balse si fudud uun bulshadda loogu sheegay, dabaddeedna aan halkaas laga qaaddin, waxaannu sheegay in hadda la is bartay oo wixii hore aannay shaqaynayn, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Berigii dawladdii Siyaad Barre ay dalka ka talinaysay ayaa laydhku uu marmar bakhtiyi jiray. Waxaa dhacay in nin ku noolaa magaaladeenii Burco ayaa dadka u yara fiirsaday sida ay u dhaqmaan kolka laydhku bakhtiyo iyo kolka laydhku soo dhaco Oo ay labadaba dareen isku mid ah kaga jawaabi jireen. Maalintii danbe ayuu ninkii yidhi ” Waaryaadhaheen reer Burco kolka laydhku bakhtiyana waxaad odhanaysaan ” oooooooh” kolka laydhku soo dhacana waxaad odhanaysaan ” ooooooh” ee bal bahasha kala duwa” imika waxaad moodaa inagii baa bartaa taagan." Ayuu yidhi Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen qoraalkan koobban oo uu ku daabacay bogga uu ku leeyahay Facebook-ga uu kaga hadlay hadalkii furista urruradda ee kornayl Muuse Biixi uu kaga dhawaaqay khudbaddii sanadlaha ahayd ee uu u jeeddiyay Baarlamaanka Somaliland maalintii sallaasadda ahayd.

waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Innagoo Doorashooyinkeenii ay mudo dhaafeen oo Baarlamaan 15 sanadood kuraasida fadhiyaan Oo guurti 23 sanadood mudo dhaaf ah joogaan ayeeynu Ururo aan wakhtigoodii gaadhin leenahay waynu furaynaa oo soo hormarinaynaa. 

Waxay ka dhigan tahay iyadoo Salaadii Casar la joogo Oo aad tidhaahdid waxaan tukanayaa salaadii cishaa’iga. Boqol iyo toban balamood Oo hore ayeeynu haynaa Oo aan waxba laga fulin. Inaynu ciyaar ciyaar ” ooooooh” iskaga nidhaahnaa waa ka fiirsasho la’aan.

Dadku is baray waxba yaan cirka laysku calaamadeyn. Haddaynu doorasho Baarlamaan qabsan kari weynay Ma mid ururo asxaab oo aad uga adag ayaa la fulin karayaa? Inagoo bilaa caadifad ah aynu caqliga ka shaqaysiino." Ayuu yidhi Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.

Hadhwanaagnews,Office
Hargaysa,Somaliland

Loading...
Loading...