Boqolaal Kun Oo Muslimiin Ah Oo Loo Xidhay Gadhka Iyo Xidhashada Xijaabka

0
Tuesday February 18, 2020 - 08:55:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal Kun Oo Muslimiin Ah Oo Loo Xidhay Gadhka Iyo Xidhashada Xijaabka

    Dukumenti muujinaya sida Dowladda Shiinaha ay ula

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dukumenti muujinaya sida Dowladda Shiinaha ay ula
dhaqanto boqolaal kun oo Muslimiin ah oo si qasab ah loogu uruuriyay xeryo ku yaala gobolka Xinjiang ayay BBC-da heshay.



Xogtan ayaa muujineysa in dad lagu qiyaasay hal milyan oo qof lagu hayo xeryo ay maamusho Dowladda Shiinaha. Sababta dadkan sida qasabka ah loogu hayo xeryahaas ayaa lagu sheegay inay tahay in ragga Muslimiinta ay ka muuqato calaamada inta badan lagu aqooonsado Muslimiinta sida garka, halka dumarkana loo heysto xirashada xijaabka.


Qaar kale oo kamid ah dadkaas ayaa loo aqoonsaday in la tashkiililyay, waxaana sababta lagu sheegay inay dalbadeen baasaboorka dalkaas.


Xogtan ay heshay BBC-da ayaa daaha ka rogtay sida mas'uuliyiinta Shiinaha ee ku hawlan arrintan ay u go'aamiyaan waxa laga yeelayo mustaqbalka Muslimiinta Uighur.


Macluumaadkan oo ay ku keydsan yihiin xogta qaaska ah ee soddon kun oo qof oo ku sugan gobolka Xinjiang ayaa waxaa sidoo kale ku xusan qaabka ay dadkaas u nool yihiin.


Macluumaadkan oo ka kooban 137 bog ayaa waxaa kale oo ku qoran sida dadka Muslimiinta ee ay xeryaaha ku heyso Dowladda Shiinaha ay u tukadaan, sida ay u labistaan, qofka ay la xiriirayaan iyo sidoo kale hab-dhaqanka qoysaskooda.


Dr Adrian Zen oo ah khabiir darsa arrimaha dalka Shiinaha, kana tirsan mchadka Victims of Communism ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in xogtan cusub ee lasoo dusiyay uusan beeneysaneynin.


"Macluumaadkan waxaa uu muujinayaa caddeymo aad u adag, waxaana ilaa iyo maanta aan arkaa in xukuumadda Beijing ay si joogta ah u dhibaateyneyso dadka aaminsan diimaha soo jireenka ah," ayuu yiri.


Mid kamid ah xeryaha sida qasabka ah dadka loogu hayo oo lagu magacaabo "xarunta afaraad ee tababarka" ayaa waxaa aqoonsaday Dr Zenz, maadaama BBC-da bishii May ee sanadkii hore ay halkaas booqatay iyadoo gacan ka heleysa Dowladda Shiinaha.


Inta badan caddeymaha ay soo bandhigay BBC-da ayaa u muuqda kuwa si sax u muujinaya dukumentiyada ay heshay, balse aanan la daabici karin iyadoo la eegayo xogta qaaska ah ee dadka ku xusan dukumentiyada.


Macluumaadkan ayaa waxaa ku qoran xogta 311 qof, kuwaas oo sidoo kale la qoray halka ay kasoo jeedaan, diinta ay aaminsan yihiin iyo xiriirka kala dhaxeeya eheladooda iyo saaxiibadooda.


Xukuumadda Shiinaha ayaa ku adkeysatay in xarumahaas loogu tala galay in lagu la tacaalo wax ay ugu yeertay aragagixisada iyo xaqjiriinta.


Safaaradda Shiinaha ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in xarumahaas ay yihiin kuwa tababar asaasi ah lagu siiyo dadkaas, sidoo kalena looga hortago wax ay ugu yeeren argagixisada iyo xagjirnimada, waxayna beenisay inay dhibaateysay dadka Muslimiinta.


Muslimiinta Uighurs ayaa bartilmaameed u nqoday Dowladda Shiinaha, waxaana sidoo kale ku wehliya dad kale oo ay kamid yihiin Kazakhs.


Hey'adaha xuquuqda aadanaha ayaa horay Dowladda Shiinaha ugu eedeeyay in dadka Muslimiinta ay ku qasabto inay ka tanaasulaan diinta Islaamka iyo sidii loo tashkiilin lahaa, maskaxdoodana looga masixi lahaa fikirka diinta Islaamka ee ay aaminsan yihiin.


Xaaladda Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighurs ayaa sanadihii dambe laga deyrinayay, kadib markii lasoo wariyay in dhibaato joogta ah ay kala kulmaan xukuumadda Shiinaha.


BBC

 

Loading...
Loading...