Nin Ka Mudan Ma jiro Maanta Muj. Maxamed Kaahin inu Madaxweyne Muse Bixi dabadi noqdo Madaxweyne.

0
Monday February 17, 2020 - 09:12:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Ka Mudan Ma jiro Maanta Muj. Maxamed Kaahin inu Madaxweyne Muse Bixi dabadi noqdo Madaxweyne.

    Maxamed Kaahin Axmed oo ah Wasirka arimaha Gudaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Kaahin Axmed oo ah Wasirka arimaha Gudaha Waa Muraayadda Milgaha Qarankeena Laga dhex arko.

 

Markaynu nahay somaliland waxaynu nahay dad iyo dal taariikh iyo xasuus qoran leh taasi oo ay bulshada dhexdeeda u taagan shay muhiim ah oo aynu tixgelin iyo mudnaan isku siino.

 

Mujaahidka aan magaciisa kor ku xusayna wuxuu ka mid yahay ragga ugu mudan uguna miiqaamka sareeya martabadihii kala duwanaa ee uu somaray qaranka iyo calankan aynu ku hoos noolahay ,waxa laga yaabaa inaad isweydiiso waxan ugu xushay Mujaahid maxamed kaahin Axmed muraayadda laga qiimayn karo milgaha qaranka.

 

Hadaba Markaad Maxamed Kaahin dib u eegto taariikhda iyo taxanaha laga soo gudbay waxaad aqoonsanaysaa inuu yahay shakhsiyad mudan oo karaamo ku leh umadda, Inuu maskax ,muruq iyo maslaxad u huray dadka iyo dalka waa mid cad oo looga marag yahay

 

Maxamed Kaahin waxa uu ka mid ah shanti sarkaal ee ugu hor tallaabay kana dhiidhiyay dulmigi iyo xasuuqi shacabka Somaliland u gaystay taliski Maxamed Siyaad Bare ilaa maantana halgan naf hur ah ugu jiray xorayntii, dhismaha iyo horumarinta Qaranka Somaliland oo ah sarkalka kaliya ka nool Maanta.

 

Maxamed Kaahin intii aannu tallaabin wuxuu ahaa Gaashaanle Sare, isagoo ahaa madaxii sahanka ee qaybtii 26aad, waxaannu ahaa cidda qudha ee ay u cabato ciddii dhibaataysani, ugana hiilaya daalimkii Siyaad Barre isagoo gudaha jooga.

 

Waa taliyihii ciidankii buuraha bariga (Miriye) galay 1984kii guulahana ka soo hoyay.

 

Waa taliyihii ciidankii galay Burco 1988kii isaga iyo Axmed Mire iyo ahn Adan Salebaan .

 

Maxamed Kaahin 30kaa sanno ee somaliland jirto danguud mooyee tu gaara ma qabsan, waxa la hubaa inaanu Maxamed Kaahin Tiisa gaarka ah ka horaysiiyo ta guud ee qaranka.

 

Maxamed Kaahin waa astaan qaran ku leeyahay oo u qalma halkasta oo hankiisu yahay mudana in lagu bogaadiyo laguna taageero oo lagu dhiso.

 

W/Q Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...