Faalo:- 30 Sanadood oo ay Jirtay Somaliland Maanta Waxa Saqiiriyey Kornayl Muuse Biixi.

0
Sunday February 16, 2020 - 16:19:15 in News by
  • Visits: 1556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faalo:- 30 Sanadood oo ay Jirtay Somaliland Maanta Waxa Saqiiriyey Kornayl Muuse Biixi.

    Faalo:- 30 Sanadood oo ay Jirtay Somaliland Maanta Waxa Saqiiriyey Kornayl Muuse Biixi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faalo:- 30 Sanadood oo ay Jirtay Somaliland Maanta Waxa Saqiiriyey Kornayl Muuse Biixi.

 

 


Hargeysa(HWN):- Sodonkii sane u danbeeyey Somaliland Guulihii ay gaadhay waxa god Ku ridey kornaylka maanta xukuma.

Waxa uu qandaraas kuso qaatay imanshaha farmaajo.

Waxa uu laaluushku qaatay inu Ku casuumo madaxweyne farmaajo kana soo dejiyo casimada Somaliland.

Hadaba taariikh ahaan;

Aduunka Aaladaha socda oo dhan waxaa u sal-dhig ah Gaasta madow ee badiyaa lagga soo saaro wadamada khaliijka , gaastaas ayaana laggu shiidaalayaa xadaarada aduunka oo dhaqaajisa , sidaas oo kale , aaladaha hadii saliidu dhaqaajiso , binu'aadamka iyo arrimihiisana waxaa dhaqaajiya aqoonta iyo aragtiyaha kaso maaxda maskaxda marka la tuujiiyo .

Sidaa markay tahay , Somaliland 7 sanadood ee ugu horaysay cimrigeeda waxay xoog u tuujisay maskaxdeeda , waxaanay is waafajisay aqoontii dabiiciga ahayd ee dadka iyo duruustii iskuulada , iyadoo adeegsatay khuburo isku dhafan oo wax badan lagga faaiday .

Prof Caalin , Xaaji C/Waraabe , Shekh Cali jawhar iyo qaar kale oo badani waxay ka mid ahaayeen khubaradii hindistay , Dib u heshiisiinta , dib u dhiska iyo yagleelka wadankan weli koritaanka ku jirra .

Hadaba mudadaa ka dib waxay u muuqataa in Somaliland labba dhinacba gaabis kaga jiro .

1- Casriyaynta wixii horre u jiray .

2- Curinta waxyaabo cusub .

Sababutuna waxay tahay , haayadaha dhismay ee jirra oo awood u yeelan waayay keenista curin cusub iyo casriyeynta wixii horre , dhinaca kalena isku gudbay in cid kale keento xalal macquula .

Tusaale , jaangoynta siyaaadeed ee wadanku waaggii horre waxay u dhex ahayd dadka oo dhan , markii wax adkaadaana dadka oo dhan ayaa shir isugu iman jirey , hadeerse waxaa gaar u yeeshay Haayadda loo yaqaano Axsaabta siyaaasadda , axsaabtina waxay noqotay kuwo aan awood u lahayn in ay curin iyo cusboonaysiin midna keenaan .



Sidaa darteed waxaa muhiima in indheer garadku maskaxda tuujiyo oo xooga la saaro cilmi baadhis iyo raadin aqooneed , lana abuuro nidaam haayadaha iyo indheer garadka madaxabanaani isku kaashan karaan , kuna kala faaidaysan karaan.

Maanta waxa dib ugu celiyey kornayl muuse biixi wixii uu Ku canaanan jirey xisbiyada mucaaridka ah.

Isagoo odhanaya xamar bay inagu wadaan iyo waxay u janjeedhan Somalia hadaba maanta waxa bulshada Somaliland u cadaatey inuu muuse jecel yahay isu noqoshada Somalia iyo Somaliland.

Kornayl muusow waxii aad Ku dhaliili jirtay asxaabta Maanta adigey Ku hogonaysaa.

Wasaarada Arrimaha dibeduna waxay Ku fashilantay Siyaasadii arrimaha dibeda. Waana nusqaan xukumadan maanta haysata.

Waxay muujinaysaa fashilka Ku dhacay siyaasadeeni arrimaha dibedda.

Muusow waxaad ugu talo gashay siqiirinta Somaliland Maanta.

Hadhwanaagnews

Hargeisa Office.

Loading...
Loading...