Soomaaliland oo lagu cadaadinaayo Soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.

0
Sunday February 16, 2020 - 11:20:16 in News by
  • Visits: 4950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliland oo lagu cadaadinaayo Soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.

    gudoomiye saleebaan ayasheegay in raysal wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, Somaliland ku cadaadinayo in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

gudoomiye saleebaan ayasheegay in raysal wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, Somaliland ku cadaadinayo in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in madaxweynaha soomaaliya iyo reysul wasaaraha Ethiopia aay socdaal ku tagayaan magaalada Hargaysa oo xarun u ah soomaaliland.


gudoomiye saleebaan ayasheegay in raysal wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, Somaliland ku cadaadinayo in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya wada yimaadaan Hargeysa.



Saleebaan, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ka diiday codsiga raysal wasaaraha balse Abiy mar kale ku soo celiyay codsigooda imaanshaha Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in aanay ogolaanayn in Farmaajo, oo madaxweyna ahi yimaado Hargeysa.

"annagu waxa aannu leenahay ha noo keenin laakiin haddii uu la yimaado dee dilimayno laakiin nin Soomaaliyeed oo Abiy, la socda ha ahaado" Saleebaan.

Hadalka Gudoomiye saleebaan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dalka Itoobiya aay kulan ku yeesheeyeen Hogaamiyaha Soomaaliland Colmuuse biixi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed abdullahi farmaajo kulankaas waxaa garwadeen ka ahaa reysul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiya Ahmed,

Sidoo kole waxaa la filayaa in reysul wasaaraha Itoobiya oo markale garwadeen ka Noqdo Socdaal madaxweyne Soomaaliyeed markii ugu horaysay ku tago Magaalada Hargaysa tan iyo gooni isutaagii Gobolada Waqooyi, Waana Dhacdo aay mahdin Doonaan Boqolaal ku daalay Muddo Gaarista Xornimada buuxda balse ku Hungoobay.

 

Loading...
Loading...