Akhriso Magacyada Afar Ciyaartoy Oo Somaliland Uga Haajiray Rajo La,aanta Dhalinyarada Ee Dawladu Baday Kana Degay Muqdisho

0
Saturday February 15, 2020 - 19:12:36 in News by
  • Visits: 3841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Magacyada Afar Ciyaartoy Oo Somaliland Uga Haajiray Rajo La,aanta Dhalinyarada Ee Dawladu Baday Kana Degay Muqdisho

    Waxay Heshiisyo La Galayaan Kooxo Ka Tirsan Horyaalka Kooxaha Heerka Koowaad Ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay Heshiisyo La Galayaan Kooxo Ka Tirsan Horyaalka Kooxaha Heerka Koowaad Ee Soomaaliya


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa wali sii wado qorshayaasheeda ay ku rajo tirayso dhalinyaradii haldoorka ah ee ku sugan gudaha dalka.


Laba sanadood oo ay jirtay xukuumada hogaamiye Muuse Biixi waxa si weyn u shaac baxday inaanay dhalinyaradu ku lahayn wax rajo ah guud ahaanba qorsheyaasha xukuumada taas oo keentay inay dalka ka haajiraan isla markaana u socdaalaan wadamo kala duwan oo ay ugu horayso soomaaliya.

Image may contain: 3 people, people smiling, outdoor


Dhalinyarada somaliland ka haajiraysa ee ay rajo la,aanta baday xukuumada kornayl Muuse Biixi oo markii hore ay ugu badnaayeen suugaan yahanada iyo suxufiyiinta oo oo waayey xoriyadii hadalka ee somaliland ka jirtay ayaa hadana waxa ku soo biiray ciyaaryahanada kala duwan ee ka tirsan kooxaha heerka koowaad iyo heerka labaad ee ka jira dalka.


Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxa magaalada Hargeysa ka baxay ciyaaryahano kala duwan oo heshiisyo la galay kooxaha heerka koowaad ee dalka soomaaliya kuwaas oo wakhtiyo kala duwan gaadhay magaalada Muqdisho.


Ciyaaryahanadan ayaa waxa ugu horeeye xidigii khadka dhexe ee Ayaanle Good Aadan kaas oo u dheeli jiray kooxda ciidanka qaranka ee Gaashaan iyo xulka gobolka Hawd, waxaana xusid mudan in xidigani uu ka mid ahaa laacibiinta sida weyn uga dhex ifayey kubada cagta somaliland isla markaana ku jiray wakhtigiisii ugu wanaagsanaa ee kubada cagta balse uu isku qanciyey inuu ula guuro kooxaha ka dhisan Muqdisho maadaama oo aanu wax rajo ah oo horumar u keenaysa xirfadiisa ka qabin xukuumada Muuse Biixi.


laacibkan Ayaanle Good ayaa wararku xaqiijiyeen inuu heshiis la galay kooxda heerka koowaad ee Gaadiidka oo ka ciyaarta horyaalka dalka soomaaliya.


Sidoo kale waxa magaalada Muqdisho dhawaan ka dagay labadii gool haye ee kooxda wasaarada maaliyada somaliland oo kala ahaa Maxamed Kamsaro iyo Ayaanle Xanjo kuwaas oo heshiisyo la gaadhay kooxo ka tirsan horyaalka dalka soomaaliya isla markaana haatan ku sugan magaalada Muqdisho.


Sidoo kale Siciid Daallo oo ka mid ahaa difaacyahanada kooxda wasaarada xanaanada xoolaha somaliland ayaa isaguna quus ka istaagay mustaqbalkiisii ciyaaraha somaliland waxaanu u wareegay magaalada Muqdisho ee dalka soomaaliya isaga oo ku biiray koox ka mid ah kooxaha heerka koowaad.


Socdaalka dhalinyarada ayaa ku soo beegmaya wakhti uu dhawaan agaasimaha wasaarada ciyaaruhu ku dhiiri geliyey inay Muqdisho tagaan isaga oo ka jawaabiyey dhaliilo ay u soo jeediyeen ciyaartoyga caasimadu ""Ama intuu inanyari noo yimaado uu yidhaa waxaan qabanayaa soomaaliya , adeer ninka xamar qabanayaa ha qabto anaguna inta hadhay iyo baaqiga ayaanu u shaqaynaynaa laakiin inanyar oo meeli cuncunayso oo Xamar ku socdo waxba u qaban mayno.” Ayuu yidhi Agaasime Khaawi

Loading...
Loading...