Berberi Wax Go' Lagu Qaado Ka Weyn ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday February 15, 2020 - 08:47:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berberi Wax Go' Lagu Qaado Ka Weyn ( Abdi-Shotaly).

    Bahasha la yidhaaho dacawadda, baa la yidhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bahasha la yidhaaho dacawadda, baa la yidhi
" Danyo caliyeey yaa ku baray qaybta? Waxay ku jawaabtay markii afka dacawadda lagu wareystay, Waxan ku waayo arkay "Isha Cumar Ka laalaadda" Waxan u uga jeedaa ama u soo qaatay sarbeeb-taas, Kan Mareexaan ee jooga Muqdisho ha ogaado wuxu yahay Askariga Hargeysa ka botoriyaa. sidoo kale malaha ummadu Reeer Somaliland waxay is weydii-naysay, Muxuu raggii ma adigaa ka hadhay kula hadlay Ka Mareexaan ee Xamar badhisaabka ka ah? Waxan-se idiin sheegayaa, runtii markii askariga sare ku qoran la waydiiyey, Maxay Tabanaysaa Ummadda Reer Somaliland?" Baa halkii wax kale iyo gar naqasi looga fadhiyey in uu ka hadlo, yidhaaho wax-ba isuguma keen hadhin, oo si wacan baynu sodon sano hor-teed u kala dhaqaaqnay, ma garan karno waxad noo daba socotaan, awel-ba laba dal baynu kala ahayne, ee ha daalina dib isugu soo noqon mayno'e, ilaa ay ka gaadhayso inta uu illaahii lahaa maalintii uu ugu tallo galay, in uu dunidda rogo ee yoomal-qaiyaamaha ay imanayso'e. ilayn waa kaad taqaanay, oo waa amuumo aan hadal aqoon, maskaxina ku jirine, waaka halkiisii ka miisay, ee markii uu is yidhi jawaab ay ka soo baxeen, wax uu ku sheegay lix qodob oo kala ah xaajoo-yinkan hoos ku yaala, hadda waakii aad ka sugayseen in uu wax qancin karo, ee maqla wuxu la shir tegay:-


(a) Marka hore aan isu kaa sheego'e "Waxan ahay Mujaahid la yaqaano". oo waxan ahaa raggii adeerkaa "Af-weyne" ka xoreeyey dalkan, sidaas awgeed waxan rabnaa, in aad joojisid siyaasadda aad aduunka nagaga xidhay, dhabar-kana naloo ku jeediyey, ee na daa waxba kaama haysano'e, waad nala xintantaa siddii adhi jirta ee jooji iyana.
(b) Waxad nooga yeedhataa dhalinta-yadda iyo weriya-yaasha, oo aad shaqo siisaa ee iyana waa in aad joojisaa, kuwa war-baahinta naga soo caaya ee aanu xidhnaa-ba Xamar bay galaane, waa in aad noo soo celiso haddii aad waan waan rabto iyo wadda hadal, waayo waa cadaw-gayga. waa kuwa beenta aanu sheegno-ba ka shifa, ee aanu raad ka riixi weynay. nagu diray caalamka.
(c) Waxad dhiiri gelisaa Mucaarid aan jirin in aad ka abuurto maamul-kayga ka dhisan Hargeysa " Xaafad-tooyadda" Waad argtaa oo waxa ila socdda madaxddii beelaha aad ku sheegtaan mucaarid "Waa Samaroon, Dhulbahante iyo Garxajise", oo ay ka kala socdaan ( Saciid Sulub, Muumin Seed, Iyo Faratoon) Taasina arin ay wax ka jiraan maaha.
(d) Waxan doonaynaa, in aad noo fasaxdo in aan aduunka la ceeshno, oo aad wixii aanu kaaga baahano aad noo soo saxeexdid si hoose, anaka oo misana dafirayna, in aynaan xidhiidh lahayn oo aanay shicibka reer Somalialnd ogaanin waxa ina dhex mara.
(e)  Siddii Adeerkaa af-weyne ula dagaalmi jirey Mucaaridka, baanu anana ula dagaala-maynaa Mucaaridka doonaaya in ay kursiga naga qaadaan, ee waa in aad nagu taageertaa.
(f) Waa in aad raali gelin siisaa Ummadda Isaaqa ah, ee aad xasuuqa u geysteen.

 Akhristaw markii uu askarigu la nac-nac-leeyey lixdda qodob ee sare, Baa waxa ka yaabay oo madaxa qabsaday kii Mareexaan ee loogu yeedho " Farmaajo" dabeed iska kacay si uu u baxo, oo yidhi waar wuxu ma noocan baa wax ummadda hor taagani? Wixii aan is lahaa aad ka hadashid-ba iyo tallaw muxuu ku odhan doonaa-ba, labadiiba dib baan ugala noqday, waayo kani maaha wax la soo hor fadhiisan karo, oo wuu qasnayaa, kan waxba uma kala soocna ee waa finish. Waxan ku soo gabaga-beeyey "Farmaajooy Berberi wax go lagu qaado ka weyn" oo micna-heedu yahay " Raggii ma adigaa ka hadhay" mid kuu keeni kara Somaliland maaha. tani dib isugu noqon mayso, si kaste oo doqonka " Raggii ma adigaa ka hadhay" uu isku kaa dhedhe-jiyo, oo aad kolba wax u soo saxeex-daan, way idinka dheer tahay, in mar kale ay soo gasho gacan-tiina Somaliland. Waxa kale oo aan doonayaa in aan ku soo qoofalo maqaalkan, horey Somalidu ugu maah-maah-day " Wallee sama kaab baan deero diline" kaad ogay-deen " Waa askariga Xaafad-tooyadda ka shimbiro waaqleeyee, baan kob cagaar leh ka soo durdurin. cid uu wax u sheegi karaana ma jirto, oo umaba abuurna, ilayn waa ka la soo hor fadhiistay nin ku leh anaa ku xukuma " Mujaahid baan ahaye" Ee weliba ula tegay qodobadda baryooyinka ah ee aan sare ku taxay (a,b,c.d.e,f) Waxan mar kale ugu celinayaa Ka Mareexaan ee la kulmay, Cid uu metelaanan askartu ama ka wakiil yihiin haba-sheegin, ee isaga baa wax kuu soo doontay. Hore-ba waanu u naqaany wuxu yahay anaku, adna maanta baratay daciifnima-diisa, sidaas awgeed wax uu kuu dhamayn karaa ma jirto ee ha ku tallo gelin, haddii aad wax u saxeexdo iyo hadii kale-ba, ee ku quus qaado ragii ay wax ka go'ayeen way joogaane.
* N.B Wallee Sama Kaab Baan Deero Dilin!
Qore:- Abdi-Shotaly

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...