Muse Iyo Farmajo Valentine's Day Bay Isku Dhegeen Isna Salaameen
laakiin Hogaamiye Muse Mustaqbalka Ma Yaqaan.
Haddaynu dib u milicsano labadii sano ee Madaxweyne Muse hogaaminayey
SOMALILAND wuxuu gaadhay Goaano waaweyn oo toban arimood ka badan oo
mid walba Mustaqbalkii inuu GARTO ahayd ama maqlo dadka Mustaqbalka
ummadda reer SOMALILAND wax ka yaqaan may dhici taasi badhna goaamadaa
Muse Biixi SOMALILAND dhabarka ayey kaga qabtay.
Tobankan arimood een anigu soo qaatay waxaa ugu Horeeyey Goaankiisii
xannafta lahaa iyo kala soociddii uu ku kacay Doorashadii,
murashaxnimadiisii, Gudoomiyaha Kulmiye sidii ku noqday seddexdaa
arimoodba dhibaatadii ka dhalatay wali way jirtaa wax uu ka qabtaa ma
jirto mustaqbalkeediina xitaa reerkooda way dhextaal iyo reer
Somaliland ba.
Ta labaad Arintii Col.Caarre ee bilawgii sahlanayd laguna dhamayn
karayey wada fadhiisad shah iyo biyo aan dhaafsiisnayn Goaankii uu ka
qaatay ee ahaa waa arin Military ee ha gelina halkay Reer SOMALILAND
la xushay iyo inta sano ee ay socotay iyo inta nafood ee ku dhintay
iyo inta million ee dollar ee ku baxday iyo inta gobol ee SOMALILAND
ba ka baxay ee maqan ilaa maanta weynu wada ogsoonay taasina waxay
markhaati cad ka tay inaanuu Madaxweyne Muse Biixi MUSTAQBALKA WAXBA KA
AQOON DADKA MUSTAQBALKA WAX KA YAQAAN EE AGJOOGANA WAXBA KA
DHEGAYSANIN.
TA SEDDEXAAD MARKA UU WADANKA DHINAC YAR KA RARO EE MASHAARIICDA
DEGMADIISA KU MIISO DHAQAALAHA WADANKA HOOS BUU U DHACAYAA HUBAAL Waayo
waxaynu wada markhaati ka nahay macaa isaga in dhaqaalaha reer
SOMALILAND ku xidhanyey XOOLAHA NOOL MARKAA WAXAY TAHAY IN MASHAARIICDA
LA GELIYO GOBOLADA XOOLAHA NOOLI JOOGAAN EE EE TOGDHEER, SANAAG IYO
MAROODI JEEX LEH OO WADOOYINKA LOO SAMEEYO IYO BIYO WAXA QABADka YAR EE
GEBILEY AY KA BADSATAY GOBOLADII DHAQAALAHA SOMALILAND KU XIDHNAA
TAASINA waxay ku tusaysaa Muse Biixi inaanuu MUSTAQBALKA WAXBA KA AQOON.
KU SOO BOOD ( VALENTINE'S DAY)GAN MUSE IYO FARMAAJO WEY ISKU DHEGEEN
WAANAY IS DHUNKADEEN BUU WASIIR FARATOON YIDHI, MAXAYSE KA WADA HADLEEN.
waxay ka wada hadleen laba arin oo qudha
1- Farmaajo arin qudha ayuu kala hadlay Muse oo ahaa ka is aragga
rabay mudana uu Abi Ahmed Ali waa prime Minister ka Ethiopia uu usoo
maslaxayey inuu Muse la kulmo iyadoo shirka Afrika Muse kusii dhex
gabaday. Farmaajo wuxuu u sheegay inuu Muse Midnimada Somaliweyn
ogolaado dabacan waanuu ogolaaday marka wuxuu Muse Farmaajo u daydeyey
uu Farmaajo u ogolaado. Muse wuxuu Farmaaje ka Rabaa waa inuu Container
ka uu ku xidhay ka FURO oo sidii hore ee dawladii Farmaajo ka horeeyey
ay SOMALIA ula dhaqmaysay ula dhaqmo oo wixii SOMALILAND heli jirtay oo
dhan hesho. Markaa shalay wax uu u ogolaaday markiiba Ka helayaa ma
jirto ee arintu isbedelka inagu soo socda aynu eegno.
Arinka kale ee SOMALILAND ka jiraa waa arin khatar wadanka ku ah oo
muddo soo jiray oo siyaasadda Kulmiye la timi wadan Arinkaasi waa BEEN
ummadda ku maamul. Beenta waxa la yidhaa markay jidhka dadka dhex
gasho scientifically waxay isu bedeshay DRUG , WAANA LAGU SIKHRAAMAA
WAANA LAGU SIXRAMAA waa sababta Allah sida uu Khamriga u
xaaraantimeeyey uu beentana dadka uga xaaraantimeeyey. Markaa Xukuumadda
Kulmiye adduun kuma maamusho ee BEEN bay ku maamushaa waaƱa arinta
SOMALILAND nimadii baabisay oo maanta Bulsgadu ka weyday waxay
SOMALILAND ka filanaysay uguna yaacayso SOMALIA. Boqolaal reer baa
maanta biilkooda Moqadisho looga soo diraa guul daradaa waxaa keenay
Kuwa HEEGO LOO BIXIYEY EE MUSTAQBALKA SIDA LOO GARTO WAXBA KA AQOON.
M BASHE
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...