Askariggii Oo Xaafad-Tooyadda Dib Ugu Soo Noqday isaga Oo Kab Lulaaya, Midna Laalaadi-naaya Hargeisa ( Abdi-Shotaly).

0
Friday February 14, 2020 - 19:01:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Askariggii Oo Xaafad-Tooyadda Dib Ugu Soo Noqday isaga Oo Kab Lulaaya, Midna Laalaadi-naaya Hargeisa ( Abdi-Shotaly).

    Waxa laga hayaa Cali dhuux (IHUN),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa laga hayaa Cali dhuux (IHUN),
" Waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jiraye, bal dayaay Askariggii wakaas sii dabay-sahadaye" Uun Allaw cajebo iyo la yaab baan idiin hayaa saaka, siddii suufiggii waalaa, ee la odhan jirey Ina cabdale Xasan, kuna magac dheeraa "The mad mullah" baa markuu arkay in aan wax-ba uga soconayn, khiyaaliggii uu hamigiisa ku maaweelin jirey, ee ahaa boqor-tooyo ka samayso Somaliland wakhtiggii ay dawladda Ingiriisku Xukumi jirtey, baa isaga oo Berbera jooga, goor ana habeen iyo maalin mid-na aan ahayn cagaha wax ka deyey ilaa taleex, oo dhuumasho kaga lugeeyey buurrtii yarayd ee uu ku gaban jirey. Oohintii iyo baroortii ka sii dhacaysay, markuu jabay, ee xaqiiq-saday in aaany wax u hadhin, waxa ka mid ahaa " Caamir waa saleelee, anaa haatan caymadiye, adiguba caqlaad leedahee carar maxaa dhaama". Waxan maanta u soo qaatay ereya-daas, ay isku maraxalad yihiin lagu dabaqi karo arinka sare ku qoran. aan ku soo dhawaadee iga qabo waa tane:-



Cali duux baa waxa laga hayaa markiii uu suufiga kor ku qorani uu ka baxsaday Xaruntii Taleex " Waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jiraye, bal dayaay wadaadkii wakaas sii dabaya-shadaye" Waxan uga socdaa oo ana u soo qatay " Askariggii raggiima adigaa ka hadhay, waxa kaga soo dhacay Addis Ababa Jac iyo baaruud" isaga oo markii hore-ba u tegay is tus uu is lahaa aad sidaaddii been ku maaweelisid ummadda, oo ku tidhaahid guul baan ka soo gaadhay SAhirkii Afrika. isaga oo sii gaxaystay saddex ma gudbe, Waa Saciid Sulub, Faratoon iyo Ahmed muumin seede. wuxu ku tallo galay in uu yidhahao mucaarid igu kacsani ma jiraan, kuna marmarsii-yoodo Beelaha Garxajis, samaroon iyo dhulbahante way ila socdaan, oo doonaayey in uu isku sawiro dhar Madax-weyne, laakiin-se may dhicin oo waxa lagu yidhi af- buuxa wax-ba noo sheegimaysid, sidaas awgeed kuma arki karno ee ka shub. wuxu isku deyey in uu jilbaha qabsado Farmaajo, oo wuxu baryey Ra'isal Wasaaraha Itoobia, si uu u wadda hadal-siiyo una dhex gallo, taas oo dani ugu jirto ( waa siduu askarigu is lahaaye). hadaba in kaste oo uuisu keenay, wax-ba lagama hoos qaadin, waxana la yidhi waxad tihiin Gobol ka mid ah Somaliya, heshiis aad cid la geli kartaana ma jirto, oo aan soo marin Maamulka Farmaajo. Balse waa caqli xumidda askariga'e, wuxu ka doonaayey in uu heshiis hoose la yeesho, si uu uga saxeexdo dalka uu boobaayo, ee xataa uu baloodhaddii dan yarta boobay, markuu wixii kale dhameeyey ( waa kaas ka ay dadka qaarkii rajo ka qabaan.


Waxan ku soo af jaray qoraalkan, Ilayn waa kaan ogayn ee waa il-xayiig ahaaye,oo ma yaqyaq-soodo'e, isaga oo kab lulaaya, mid-na laalaadi-naaya, dhuumsho ku jira, oo is yidhi cidi arki mayso buu isku xabaalay aqlkii Moorgan ee "Xaafad-tooyadda". Saddexddii magaca u yaalka ahaa ee uu watayna, mid-ba uu meel ka galay gurigiisii ( waa Saciid Sulub, Muumin seed iyo Faratoone). waxa kaag sii daran iyadda oo laga dheregsan yahay waxa ay kala soo kulmeen Addis Ababa, bay hadna doonayaan in wax aan jirin ay u sheegaan Ummadda, waxan filayaa in aad dhegaysa-teen Faratoon ( Ka uu ku sheego weeye " wasiirka Arimaha Debedda), oo gebigii-suba yahay "Lax dhukani abaar moog", kaas oo aan geeriddii Nebiga (CSW) aan ogayn. Akhrisataw labadda kale-na ay yihiin ma gudbayaal ay dugsiga dhex mooyee aan aqoon akle lahayn, kuwaas oo loo gaxaysatay in uu askarigu isku sawiro oo yidhaaho, waa kuwan wasiiradooddii ee waraysta, ilayn iyka xilka ba aud aran, oo diin iyo iimaan kale ma laha'e. waxase uu askarigu iska indho tirayaa, in wax qarsooni aanay jirin, ee caalamku indhaha ku hayo waxa uu walaaqanaayo, ee ah Cabudhinta Saxaafadda, xoritaul qawalka, aany jirin distoor iyo sharci, meel walba uu isag isku koobay, jeebkana ku sito, yahay iska yeel-yeelkii kii soo taba-baray ee Af-weyen, mase oga in uu isagu kun jeer ka xun yahay. asi toos ah loogu soo sheegay in aanay jirin wax hadeer Somaliland la yidhaahaa, ee uu isagu burburiyey, ilayn wax weyn baa u dhimane, waxan ugu dambayn ku soo xidhay, oo si cad ugu dhacday maah-maah-ddii ahayd " Doqonka Far waaweyn ba wax loogu sheegaa" ilayn si kale wax u fahmi maayo'e. markaasuu weliba ku faanayaa Guul baan ka keenay Addis Ababa ( Itoobiya). Dadaw quuso waa kaas wuxu yahay soo cadeeyee, lagu yidhi afka dabaysha u dhig cidi kuma taqaane.


* N.B Doqonka Far Waaweyn Baa Wax Loogu Qoraa!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...