Waxaa Wanaag Ahoo N&N Lagu Xasuusan Doonaa!

0
Friday February 14, 2020 - 18:50:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaa Wanaag Ahoo N&N Lagu Xasuusan Doonaa!

    Hordhac/Gogol-Dhig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac/Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.


Intaa kabacdi akhristoow; maadaama February 8th isbuuceeda la marayo, sadex sanana u dhamaatay N&N, lagasoo billaabo maalintii la doortay mudane madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), waxaan jecleeystay inaan bal tixo, waxyaabaha wanaaga ah ee lagu xasuusan doono Nabad iyo Nonol.Waloow sanad kale usii dhiman yahay. Waana kuwane ka bogasho wacan.



1-Meesha oo eey ka saareen Afgambigii madashii maamullada. Maxaayeelay"Madasha” waxeey aheyd, meel horjoogayaasha maamullada, kula wareegeen shaqadii labada aqale baarlamaanka dalka, si 50/50 ahna ula qeybsadeen, awooda madaxweeynaha, iyo tan raysalwasaarahaba. Waxaa foowdadaa soo afjartay, dowlada dhexee maanta jirta.


2-Go’aankii geesinimada, iyo dhiiranaanta ahaa, ee dhex dhexaad ka ahaanshaha ahaa mushkiladii Carabta Khaliijka, iyadoo, culeys-saarid (Pressure), iyo cadaadis farabadan uga imaanayey, dhanka dowlada Sucuudiga, iyo tan Imaaraatka intaba.


3-Eryidii u-qaabilsanihii Qaramada Midoobay (UN-ta) ee dalkeena Soomaaliya, kadib markuu u dhaqmay, sidii in dalkan maxmiyad ku jiro, oo uu isaga siduu doono ugu rafan karo, ama uu u dhaqmi karo, sideey u dhaqmi jireen, kuwii isaga ka horeeyey, balse garwaaqsaday in ragani leeyihiin qabkii, iyo sharaftii Soomaalida lagu yaqaannay.


4-In shaqaalaha dowladu heleen, mushaarkoodoo waliba joogto ah, halka shalay 8-Bilood iyo kabadanba, mushaar la’aan ahaan jireen, dhamaan shaqaalaha dowlda.


5-Kobcinta dakhliga, iyo miisaaniyada dowlada, iyagoo kor ugasoo qaaday 168 milyanoo doollar ($168, 000,000), soona gaarsiiyey 460 Milyanoo doollar ($460, 000,000). Waliba iyadoo dalkoo dhan aanu dakhligaa kasoo wada xaroorinoo, xoreyn iyo cagan soogalin u baahanyahay.


6-Go’aan cad ka qaadashada dhaqamada foosha xune Imaaraatka, iyo joojinta tababarradii eey u sameyn jireen, ciidamo iyaga eey qalabeeyeen, amarkana ka qaadan jiray, saraakiil Imaaraati wada ahaa, si eey u isticmaalaan markii eey doonaan, waana kuwa u isticmaalay weerarkii guriga Sen. Cabdi Qeyb-Diid. Waxaase Allaah mahadiis ah, in lagala wareegay dhamaan ciidankaa, saraakiisha laga badalay, ciidamadana lagu kala daray.


7-Go’aan gobonimo ka qaadashada arinta badda, iyo u adkeeysashada caburka (Pressure-ka), iyo culeyska Kenya, iyadoo Kenya isku dayday waxkastoo dowlada Soomaaliya, culeys lagu saari karo, illaa siyaasiyiin Soomaaliyeed inta soo urursatay, Nairobi ku shirisay, dhanka kalana horjoogayaasha maamullada ismicmaashay, iyadoo dhanka kalana dowlada Soomaaliya uga guuleeysatay Kenya dhanka diblomaasiyada, iyo siyaasada Arimaha Dibada, ee quseeysa arinta badda, kadib markii safiirka Soomaaliya, eey soo ceeyrisay, oo keeda laceeyriyey, markeey madax dowlada ah garoon ku qashqashaadayna, dowlada Soomaaliya uga kawaabtay, ineeysan shir Soomaaliya khuseeya hadii Kenya lagu qabto, aaneey ka qeyb galeeynin. Ugu dambeyn Kenya waxeey garwaaqsatay, in dowlada maanta jirta, digdig aan waxba looga qaadeeynin, baryo iyo walaaloowna ugu dambeyn lasoo shirtagtay.


8-Dib u dhiska, iyo dib u qurxinta xarumaha dowlada, oo eey ugu horeeyso Madaxtooyada dalka. Madaxtooyadii shaqaalo badan dhex degnaan jireen, ganacsiyo farabadana ka dhex furnaayeen, ee xafiisyada looga weeysanaa la-taliyeyaasha madaxweeynaha, waxaa laga saaray cidkastoo daganeyd, marka laga reebo qoyska madaxweynaha. Qolalkii la iska daganaana waxaa loo wada badalay xafiisyo, la-taliyeyaashii iyo shaqaalihii bilaa xafiisyada shalay ahaa, eey ku shaqeeyaan. Waxaa la qurxiyey jardiimooyinkeedii, albaabka lagasoo galo, ee shalay dhagax iyo tiir uu askari ku waardiyeyn jirey, waxaa laga dhigay mid sida madaxtooyooyinka caalamka loo ilaaliyo oo kale, waxaa loosameeyey meel dadka lugeeynaya kasoo galaan, iyo meel baabuurta u gaar ah. Waxaa kaloo lagu xasuustan doonaa barnaamijka Isxilqaan, ee lagu dhisay wasaaradaha, iyo qeeybaha kala duwane, xarumaha hey’adaha dowlada dhexe.


9-Dib usoo celinta taallooyinkii taariikheed ee dalku lahaa, astaan mideeysana ummada Soomaaliyeed u ahaa, maadaama eey u dhinteen wadaniyad, dal iyo dad jaceyl, naftoodana u horeen, si eey cadow gumeeyste ah, uga xoreeyaan dalkan iyo dadkan Soomaaliyeed.


10-Meesha ka saarida siyaasadii Itoobiya nagu bahdili jirtay, iyo Gen.Gabrihii siduu rabo inoogu amar ku-taagleyn jiray, iyadoo maanta dalalka geeska Afrika isu kaashanayaan qaab sinaan iyo is ixtiraam ku dhisan.


11-Waxaa kaloo lagu xasuusan doonaa N&N, ineey ina bareen in Madaxweyne iyo raysalwasaarehiisa wada shaqeyn karaan, oo khilaaf la’aan iyo siyaasad mideeysan dalkan eey ku hogaamin karaan, lagana maarmi karo khilaaf siyaasadeedoo u dhexeeya Madaxweeynaha iyo raysalwasaarahiisa, kaaso labadaa mas’uule dalka ugu sareeysa, midkastaba gaarkiisa dhaqaale ugu bixiyo, lagu abuurayo mooshin midkood looga takhalusayo, kan kalana isaga difaacayo, iyadoo labo iyo sadex raysalwasaare, uu madaxweeyne kasta yeelanayo intuu xilka hayo. Wabillaahi Toowfiiq.


Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed.

[email protected]

Minnesota-USA.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...