Hishiiskii Biyaha Wabiga Niilka Oo Markale Guuldaraystay.

0
Friday February 14, 2020 - 17:12:51 in News by
  • Visits: 1642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hishiiskii Biyaha Wabiga Niilka Oo Markale Guuldaraystay.

    Hishiiskii Biyaha Wabiga Niilka ayaa Markale Guuldaraystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hishiiskii Biyaha Wabiga Niilka ayaa Markale Guuldaraystay.

Waxa guuldaraystay dedaalo kama dambays ah oo la doonayay in qalinka loogu duugo heshiis kama dambayn ah oo soo afjara xiisada biyaha wabiga niilka.

Dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa ku kala kacay miiska wada hadalada kaddib markay ku guuldarreysteen inay gaaraan heshiis ku aadan sida loo buuxinayo biyo xidheenka Itooobiya ay dhisatay iyo sida uu u shaqaynayo biyo xidheenkan korantada laga dhalinayo oo ah kan ugu weyn Afrika ee laga dhisayo wabiga Nile.


Safiirka Itoobiya u fadhiya Mareykanka Fitsum Arega ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in wada hadaladii ugu dambeeyay ee Washingtonka qabsoomay shalay Khamiistii ee ay wada yeesheen wasiirada biyaha seddexda wadan ay ku dhamaadeen fashilaad wax heshiis ahna aanan la gaadhin.

Safiirka ma uusan cadeynin sababta keentay in ay wada hadaladu guuldaraystaan.

Saddexda waddan ayaa bishii hore ku heshiiyay heshiis horudhac ah, ka dib wadahadalo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka iyo Bangiga Adduunka, heshiiskaas oo qeexayay in biyo xidheenkan Ethiopia ee lagu magacaabo Grand Renaissance Dam la buuxiyo inta lagu jiro xilli roobaadka, balse gorgortan dheeraad ah in laga sameeyo sanadaha iyo bilaha la buuxinayo ayaa loo baahnaa ka hor inta aanan heshiiska kama dambaysta ah la dhammaystirin bishan gudaheeda.

Itoobiya, oo dhisaysa biyo-xireenka, waxay dooneysaa inay sida ugu dhakhsaha badan u buuxiso una bilawdo dhalinta korontada, dhaqsahaas ayaana ahaa midka ay masar ka biyo diidanayd.

Dhinaca kale Masar waxay ka walaacsan tahay in waqtiga kooban ee ay Ethiopia doonayso inay ku buuxiso biyo-xireenku ay saamayn ku yeelato nolosha dadkeeda oo wax ka badan sagaashan bobolkiba ay ku tiirsan yihiin qulqulka biyaha wabiga Niilka.
Bbc Englaish
Xafiiska Hadhwanaag ee Borama.
Loading...
Loading...