Tartankii Kulmiye Oo Laba Kacleeyey,Xaashi Oo Kaahin Ku Garaacay Shirar Ka Dhacay Hargeysa Iyo Dareenka Kornayl Muuse.

0
Friday February 14, 2020 - 12:21:56 in News by
  • Visits: 4834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tartankii Kulmiye Oo Laba Kacleeyey,Xaashi Oo Kaahin Ku Garaacay Shirar Ka Dhacay Hargeysa Iyo Dareenka Kornayl Muuse.

    Tartankii Kulmiye Oo Laba Kacleeyey,Xaashi Oo Kaahin Ku Garaacay Shirar Ka Dhacay Hargeysa Iyo Dareenka Kornayl Muuse.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartankii Kulmiye Oo Laba Kacleeyey,Xaashi Oo Kaahin Ku Garaacay Shirar Ka Dhacay Hargeysa Iyo Dareenka Kornayl Muuse.


Hargeysa(HWN):-Tartanka loogu jiro hanashada gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa mar kale ka bilaabmay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.


Wasiirkii hore ee madaxtooyada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo hore u shaaciyey inuu u tartamayo hogaaminta xisbiga Kulmiye iyo wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo hunguraynaya in kornayl Muuse Biixi xisbiga u gacan galiyo ayaa mar kale iskugu jawaabay shirar kala duwan oo ka qabsoomay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Image result for maxamuud xaashi iyo muuse biixi


Ex wasiir Xaashi oo si sanqadh tirasho ah ku soo galay somaliland ka dib markii uu soo dhamaystay safar uu qurba jooga somaliland ee qaarada yurub kaga dhaadhicinayey hankiisa ayaa shirar doceedyo miisaan leh ka bilaabay magaalada Hargeysa isaga oo kulamo culus la yeeshay dhalinyaro iyo waxgarad ka soo jeeda deegaankiisa kuwaas oo ku taageersan damaca kaga jira hogaaminta xisbiga Kulmiye.


Ex wasiir Maxamuud Xaashi olole culus ku jira ayaa sidoo kale qorshaynaya inuu magaalada Burco kulan balaadhan kula qaato xildhibaano ka tirsan goleyaasha kala duwan ee somaliland oo ka soo jeeda deegaankiisa iyo waxgaradka madax dhaqameedkiisa kuwaas oo uu doonayo inay ku garab galaan sidii uu u hanan lahaa kursiga gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.


Dhinaca kale waxa fashil ku soo dhamaaday shirar doceedyo uu wasiirka arimaha guduhu doonayey inuu la qaato dhalinyaro ka soo jeeda beeshiisa oo hargeysa ka dib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii loogu tala galay inay shirka ka soo qayb galaan, taas oo muujinaysa sida uu wasiir Kaahin uga madhan yahay taageero uu ka haysto beeshiisa.


Ex wasiir Xaashi ayaa isagu tan iyo wakhtigii uu shaaciyey musharnimada uu doonayo inuu ku hanto hogaaminta xisbiga Kulmiye waxa uu ku hawlan yahay olole xoogan oo uu ugu jiro sidii uu u gaadhi lahaa hankiisa kaas oo keenay inay soo shaac baxdo taageerada laxaadka leh ee uu ku dhex haysto xisbiga kulmiye iyo deegaankiisaba, balse ifafaalaha muuqda ayaa tilmaamaya in wasiir Maxamed Kaahin aanu tartan la gali Karin ex wasiir Xaashi taas oo ugu dambaynta horseedi doonta in Kornayl Muuse Biixi uu dhabarka soo taabto si loogu wareejiyo gudoominta xisbiga Kulmiye.


Sidoo kale falanqeeyayaasha siyaasada ayaa tibaaxaya in hadii uu kornayl Muuse Biixi uu dhabarka soo taabto wasiirkiisa arimaha gudaha isla markaana uu farta ka saaro xisbiga kulmiye ay taasi horseedi doonto burburka xisbiga Kulmiye maadaama oo la filayo in xubnaha ugu badan ee golaha dhexe ay la safan doonaan ex wasiir Xaashi.


 

Loading...
Loading...