Xuska Maalinta Jacaylka Aduunka! W/Q: Abdirasak Hassan Ali.

0
Friday February 14, 2020 - 12:24:48 in Articles by
  • Visits: 1043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska Maalinta Jacaylka Aduunka! W/Q: Abdirasak Hassan Ali.

    Xuska Maalinta Jacaylka Aduunka! W/Q: Abdirasak Hassan Ali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuska Maalinta Jacaylka Aduunka! W/Q: Abdirasak Hassan Ali.


Waa maaweelada kaliya ee kusoo dhacda qalbiyada dhalinyarta markii lasoo qaado maalinta jacaylka aduunka!! haa kaliya ma aha maaweelo ee waa waqti ay soo ceshaan xusuusihii iyo waqtiyadii macaanaa ee ay soo wada qaateen dad isjeclaa oo qalbiyadoodu isu boholyoobi jireen hada se ay waayuhu kala fogeeyeen . imisaa qalbiyo dhaawac lajiifa , ama ay latiicaya rafaad kasoo gaadhay jacaylka iyo hantaaqdiisa halka qaarkood aduunkan uga hayaameenba. Jacaylka oo lagu macneeyo dareen ka dhex abuurma lamaanaha labada jinsi oo ku salaysan xaq dhawr dhibir sanaan iyo is dhugasho ay kudheehantay qalbi nugayl ayaa ah ah mid soo jiray kumanaan sano waana shay aanu kamaarmi Karin marnaba jinsiga aadamuhu waana xikmadii uu alle u abuuray xawaa kadib abuurkii nabi aadam si uu daganaansho, xasilooni iyo wehelba uu u helo , waana dabciyan in bani aadamku unoolaado qaab bulshaawi tana waa horseeday inay marwalba uu unoolaado koox koox kana fogaadan kali ahaansha .

sunadaa kowniga ee uu alla dajiyay waxaa dooriyay oo ka horyimi qaar kamida bani aadamka oo sharci kadhigay inaan wax wehel ah lasamaysan, waana ta keentay qisadii ‘’valent’s day ‘’ oo ah qiso caalamka oo dhan kufaaftay oo aad ushaac baxday oo ay dadyowga badankoodu aad uyaqaanan isla markaana kusuntan maalinta dadyowga is jeceli ay jacaylkooda dib uxusaan soona ceshaan xusuusta waayihii isbarshada iyo kaftanka kana sheekaystaan lana dabaal dagaan farxada jacaylkooda guulaystay, halka kuwa jacaylkoodu guuldaraystayna ay wehel lanoqdaan xanuunka xusuusaha iyo xagxagtinta jacaylkii xanuunka beeray tamaniyaana tirtirida turaanturaayinkiisa . valanetine aabihii jacaylka si kale aan u dhigee hormoodkii jacaylka- waa haldoor ama halyay taariikhdiisu bilaab matay qarnigii sadexaad kuna noolaa boqortooyadii romaniyiinta halkaasoo lagasoo wariyo in boqorkii ‘’ kalowdis 2’’ oo xukumaayay boqortooyada waqtigaa uu waajahaayay laba loolan oo aad uwaawaynaa oo runtii aad dhibaato ugu hayay boqortooyada waxaannay kala ahaayeen labadaasi Xanuuno sibaahsan ufaafay oo ugu badnaa xanuunka daacuunka oo fara baas ku hayay.

Xanuunkan oo sababay dhimashada kumaanan qof oo katirsnaa boqortooyada oo ay kujiraan ciidankii boqortooyada halka dhibka kalee haystay boqortooyada uu ahaa weeraro joogta ah oo yaga laftooduna hoos udhigay tiradii ciidanka ee ay boqortooyadu lahayd, isla markaan khadka kasaartay cududii boqrtooyada halkaa markii lamaraayo waxaa waajib noqotay in labaadi doono xalkii lagu joojin lahaa burburka boqrtooyada . xal dheer kabacdi waxaa uu boqorkii soo jeediyay in dhaliyarta ama da’yarta laga joojiyo guurka si aanay ugu mashquulin guurka , maadaama da’yartu ay ka xoogan yihiiin kana karti badnayhiin kuwa leh xaasaska . arinkan uma cuntamin valentine waxaana uu bilaabay in uu si hoose ah lamaana kastba isugu guuriyay ilaa laga ogaaday arinkiisii isla markaan xabsiga loo taxaabay laguna qasbay in uu badalo diintii uu aaminsanaa ee masiixiga ahayd – waxaana lawariyaa in valentin ka haor daldalaadiisii uu soo bandhigay arimo mucjiso ah si uu ugu qanciyo inay aaminaan diinta masiixiga isagoo markaa inantii boqorka oo indha la’ayd uu uduceeyay oo markiiba wax aragatay laakiin tani marnaba kama joojin dilkii ladilaayay.

Qisada valantine waxay aad ufaaftay qarnigii 14aad ee miiilaadiga xiligaas oo aad loo buunbuuniyay laguna daray waxyaabo kale oo saaida . waxaanay noqotay maalin kusuntan jacayl waxaana meelo badan oo aduunka ah la kordhiyaa kulamada , hadiyadaha ubaxayada si ay u gudoonsiyaan axbaabtoodi iyagoo tacbiiriniya kalgacaylkooda . aniga laftaydu waxaan gacanta kuhayaa ubixii valentine oo aan lasugaayo marwadii mustaqbalka .

Hawaaro jacaylku

Abdirisak Hassan

0634675486


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...