"Kumanaanka Qabriyada Ku Jiraa Inoogama Baahna,In Aynu Cafis Iyo Cudurdaarba U Barino"

0
Friday February 14, 2020 - 12:19:42 in News by Ahmed Yare
  • Visits: 1940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Kumanaanka Qabriyada Ku Jiraa Inoogama Baahna,In Aynu Cafis Iyo Cudurdaarba U Barino"

    "Kumanaanka Qabriyada Ku Jiraa Inoogama Baahna,In Aynu Cafis Iyo Cudurdaarba U Barino"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kumanaanka Qabriyada Ku Jiraa Inoogama Baahna,In Aynu Cafis Iyo Cudurdaarba U Barino"


CANADA(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee dalka Canada Shucayb Cabdilahi Xuseen ayaa dareen celiyay hadalkii kasoo yeedhay madaxwanaha somaliya oo sheegay in ay ka dawlad ahaan raali galin ka bixinayaan dadkii siyaadka bare ku xasuuqay Somaliland’

"Anigu kama murugoodo in Kumanaan Qof la inaga dilay, in Magaalooyinkeenii la burburiyay, in Dumarkeena la kufsaday, in Hal Milyan oo ka mid ah maatadeena la qixiyay oo ay barakeceen, in mood iyo maal wixii aynu lahayn badhna ay qaateen badhna ay gubeen iyo in la ina xasuuqay-toona.


Lis Dairy

"Laakiin waxa aan ka murugoodaa marka aynu ku jeesjeesno dhiigga dadkeenii inaga dhintay, marka aynu dhayal ka dhigno iyo wax lagu kaftamo dhibtii ina soo martay,

Kumanaanka qabriyada ku jiraa inoogama baahna in aynu cafis iyo cudurdaarba ka barino cadowgii ciidda ku aasay lkn waxa ay inooga baahanyihiin in aynu dhaxalkoodii ilaalino dalkeena dhisano aynuna dhaafno kuwii dhiigooda qubay.

Ma aha in aynu ugu aarno dadkeena qubuuraha ku jira in aynu dhahno farmaajooy ka garaw iyo raali gelin ka bixi, lkn waa in aynu ugu aarnaa in aynu noqono dad jira oo dhista dalkooda isku duuban oo mid ah,

waa in aynu ugu aarnaa in aanu cadowgoodu Ciil Bixin, kuwa cafiska bixinaya maanta ee xukuumada Villa Wardhiigleey waxba kama duwana dhaqamadii hore ee xukuumadii Afweyne iyo Rajiimkiisii.

Wa bilaahi towfiiq.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee laanta Toronto.

Shucayb Cabdilahi Xuseen.


Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...