Maxaa Sababay Dhibaatada Oxygen La,aan Ee Ka Taagan Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa?....Warbixin

0
Friday February 14, 2020 - 12:08:18 in News by
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay Dhibaatada Oxygen La,aan Ee Ka Taagan Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa?....Warbixin

    Maxaa Sababay Dhibaatada Oxygen La,aan Ee Ka Taagan Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa?....Warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Sababay Dhibaatada Oxygen La,aan Ee Ka Taagan Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa?....Warbixin


Hargeysa(HWN):-Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa wali wajahaya caqabado badan oo ka taagan adeegyada kala duwan ee uu bixiyo.


Dhibaatooyinka culus ee haatan ka taagan cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa saamaynta ugu weyn ku leh helida Oxygen ku filan dhamaanba dadka la keeno ee u baahda, musuq maasuq hadheeyey iyo nadaafada qaybaha kala duwan ee cusbitaalka oo si weyn looga dayrinayo.

Image result for cusbitaalka hargeysa


Warar ka soo baxaya cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in agaasimaha cusbitaalkaasi Yaasiin Carab uu qayb ka yahay dhibaatada ka taagan helida oxygen-ta lagu badbaadiyo dadka naqasku qabto ee cusbitaalka la soo gaadhsiiyo.


Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo soo saari jiray haamo badan oo Oxygen ah oo xataa la gaadhsiin jiray cusbitaalada gaarka loo leeyahay ee Hargeysa ayey mar kaliya ka istaageen mishiinadii soo saari jiray Oxygen-tu ka dib markii uu agaasime Yaasiin Carab uu qayb ka noqday qorshe soo afjaray Oxygen-tii faraha badnayd ee ay soo saari jireen mishiinadii cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.


Agaasime Yaasiin Carab ayaa qorshihiisa ka bilaabay inuu markii ugu horaysay lacag ka dhigay Oxygen-ta lagu xidho dadka xanuusanaya ee cusbitaalka la soo gaadhsiiyo taas oo keentay in shacabku ka biyo diidaan balse ugu dambayntii ku hogaamisay in mishiinadii loo gacan galiyo shirkada Daryeel, taas oo mishiinadiina dhigtay xarun ay ku leedahay Buurta kala jeexan ee magaalada Hargeysa.


Agaasimaha cusbitaalka oo shirkada Daryeel saami kula galay iibinta Oxygen-ta ayaa shaqaalaha cusbitaalka ku wargeliyey inay dadka shacabka ah ku wargeliyan in Oxygen-ta laga soo iibsanayo shirkada Daryeel taas oo haan kastana ku iibinaysay qiime gaadhaya 30$(Sodon Doolar).


Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa lahaa laba mishiin oo soo saara Oxygen-tan kuwaas oo laysku badali jiray iyo haamo lagu kaydiyo Oxygen-ta oo gaadhaya 40 xabo isla markaana ay mid kastaaba qaadi jirtay Oxygen ay isticmaali karaan bukaano gaadhaya 15 ilaa 20.


Agaasimaha cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa Yaasiin Carab ayaana sidaas ku soo gaba gabeeyey adeegii Oxygen-ta ee uu cusbitaalka guud soo saari jiray, taas oo keentay in mudooyinkii ugu dambeeyey ay laba qof oo bukaan ahi u dhintaan Oxygen la,aan iyada oo shacabka somaliland-na ay gadood ka muujiyeen.

Loading...
Loading...